Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Gudaha

Arrimaha aan weli lagu baraarugsaneyn ee soo cel-celiya gubashada Bakaaraha

January 25, 2023
gudaha Wararka Gudaha
60 2
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa saddex habeen kahor gubtay markale, dab socday ku dhawaad saddex saacadood oo aan la ogeyn waxa uu ka billowday ayaa galaaftay hantida ganacsato badan oo ah kuwa danyarta ah ee suuqa Bakaaraha.

Gaadiidka Dab-damiska ee shirkada Hormuud, dadaal ay sameeyeen ganacsato kale iyo dowladda hoose ee magaalada Muqdisho ayaa sababay in dabka la damiyo, wallow dad shalay xoolo haystay ay maanta caydh ka yihiin.

Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa isla xaaladan gubashada ah la kulmay dhowr jeer shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay. Gubashadan ay ku hantida waayeen boqollaalka qof ayaa marwalba lagu kala aragti duwana waxa sababay.

Suuqu marwalba waxa uu ka gubtaa dhanka ganacsatada yaryar, ma dhicin mar uu dabka ka billowday dhanka maalqabeenada waaweyn ee suuqa Bakaaraha marka laga reebo marmar uu kusoo fiday.

Tusaale, dabkii ugu dambeeyey waxa uu saameeyay ganacsatada maacuunta, harqaanlayaasha, kuwa malabka iibiya, qeybaha udgoonka, maqaayado iyo tukaamo yaryar oo dhar lagu iibiyo.

Dab-kasta oo suuqa Bakaaraha ka kacay shan iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay wuxuu barakaciyay ganacsato yaryar, kuwaas oo markii ay xoolo beeleen boosaskii ay deganaayeen lagala wareegay oo ay ganacsatada waaweyn u badaleen dhismayaal iyo shirkado waaweyn.

Waxaa la hadalnay qaar kamid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha, waxay noo-sheegeen inuu jiro walaac ku saabsan in dabka soo noq-noqday uu la xiriiro is-barakicin ganacsi oo tujaarta qaar ku qaadanayaan boos suuq leh oo ay hadda degan yihiin ganacsato yaryar.

Waxay daliilsanayaan laba arrimood; mid waa dabka oo aan marnaba ka bilaaban dhanka milyaneerada iyo midda labaad oo ah dhulka gubta oo ay marka dambe tujaarta badankiisa la wareegaan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli ma baarin gubashada taxanaha noqotay ee suuqa Bakaaraha, wax si dabiici ah iskaga yimid lagana soo kaban doono ayna tahay in hore looga socdo ayay kasoo qaadan, laakiin dad badan waxay qabaan in arrintaan sidaas loo sahashan.

Ganacsatada aan la hadalnay waxay leeyihiin waxaa la jooga xilligii si dhab ah loo baari lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya gubashada soo noq-noqotay ee suuqa Bakaaraha iyo danaha ganacsatada kala heerka ah.

Bakaaro waa caloosha ganacsiga Soomaaliya, waa suuqa ay bulshada Soomaaliyeed u dhan tahay, khasaarihiisa waxa uu saameynaya cid walba oo Soomaali ah wuxuuna mudan yahay ilaalin, nidaamin iyo horumarin.

Maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha baarista & daba-galka ee dowladda Soomaaliya waxaa horyaalla inay dul istaagaan oo baaris dhab ah ku sameeyaan gubashada soo noq-noqotay ee suuqa Bakaaraha iyo walaaca ganacsatada.



Xigasho: Caasimada

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Gudaha

Axmed Madoobe oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada xubno cusubna magacaabay

September 25, 2023
Wararka Gudaha

Xubno kasoo goostay Shabaabka ka dagaallamaya gobolka Mudug oo lasoo banhigay

September 25, 2023
Wararka Gudaha

Shir u dhaxeeya Aadan Madoobe iyo Siyaasiyiinta diidan Laftagareen oo ka socda Villa Hargeysa

September 25, 2023
Wararka Gudaha

Ciidamo huwan ah oo Weerar ku qaaday dhul howd ah ay ku sugnaayeen Al Shabaab

September 25, 2023
Wararka Gudaha

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Minneapolis (Sawirro)

September 25, 2023
Wararka Gudaha

Madaxweyne Macron oo ka dhawaajiyay hadal ka farxiyay madaxda Milatariga Niger

September 25, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Somaliland government releases freelance journalist Abdimalik Oldon

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Saraakiisha kala duwan oo ka tirsan Ciidanka Puntland.[Masawiro] – Halgan

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran – Halgan

    76 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Axmed Madoobe oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada xubno cusubna magacaabay

September 25, 2023

Isniin, Sept 25, 2023-Millateriga Somaliland oo amar kasoo saaray colaad beeleeda Ceel Afwayn

September 25, 2023

Arturo Vidal Oo Weerar Ku Qaaday Erik ten Hag & Xiddiga Sababta U Ah Oo La Ogaaday.

September 25, 2023

Xubno kasoo goostay Shabaabka ka dagaallamaya gobolka Mudug oo lasoo banhigay

September 25, 2023

Isniin, Sept 25, 2023-Ciidamada ATMIS ee la qorsheeyay inay ka baxaan Soomaaliya oo la faray inay kusii sugnaadaan xeryahooda

September 25, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Ra’iisulwasaare Xamse oo Khudbad u Jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Maraykanka+Sawirro

September 25, 2023

Taageerayaasha Chelsea Oo Caydhsaday Milkiilaha Kooxda, Sabab.

September 25, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Axmad Madoobe oo 13 sano xukumaya Jubbaland oo Laba arrin ku eedeeyay mucaaradka – Allbanaadir Media

September 25, 2023

Shir u dhaxeeya Aadan Madoobe iyo Siyaasiyiinta diidan Laftagareen oo ka socda Villa Hargeysa

September 25, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.