Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Gudaha

Beesha caalamka oo ka hadashay doorashada Xasan, mid ku amaantay Farmaajo

May 16, 2022
gudaha Wararka Gudaha
60 2
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeedka ay si wadajir ah u soo saareen wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn loogu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee xalay la dooray Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku amaantay sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu u aqbalay natiijadii doorashada.

“Waxaan Madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uga mahadcelineynaa sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya isagoo si dhakhsa ah u aqbalay natiijada doorashada, una ballanqaaday inuu garab taageeri doono madaxweynaha dhaxli doona,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa loogu mahadceliyey guddoonada baarlamaanka Soomaaliya, howlwadeennada xirfadleyda ah, xubnaha Guddiga Wadajirka ah ee doorashadii Madaxweynaha, ciidamada amniga Soomaaliyeed iyo ATMIS, kuwaas oo hirgeliyey “qabsoomidda doorasho Madaxweyne oo habsami leh, nabdoon oo ammaan ah.”

“Anagoo ah saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya, waxaan weli ku taaganahay ballan-qaadkeena aan u hayno Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa inaan fahamno arrimaha hortebinta u leh Madaxweynaha cusub, si aan uga wada shaqeyno horumarinta nabad, barwaaqo iyo dowladnimo suuban oo ka hanaqaada Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka beesha caalamka.

Waxaa qoraalkaan wadajir u soo saaray dalalka iyo ururrada kala ah: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.



Xigasho: Caasimada

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Gudaha

Fahad Yasin oo Warqad furan u soo diray RW Xamsa (Labo Sifo waad ka bad qabtaa)

June 7, 2023
Wararka Gudaha

Xassan Shiikh oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Ergayga cusub ee QM (Sawirro)

June 7, 2023
Wararka Gudaha

(Sawirro) Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha ciidamada Itoobiya ee jooga Jubbaland iyo Arrinta Gedo oo

June 7, 2023
Wararka Gudaha

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Q/M u soo magacaabay Soomaaliya (Sawirro)

June 7, 2023
Wararka Gudaha

Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu weeraray ciidamada Itoobiya iyo Al Shabaab oo War kasoo saartay

June 7, 2023
Wararka Gudaha

Bangiga Adduunka oo Shaaciyay War ka farxiyay shacabka iyo dowladda Kenya

June 7, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Al-Shabab militants abduct medical aid workers in Hiiraan region

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Police probe ‘strange’ ransom demand in Ciku Muiruri’s abduction case

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Degdeg:- Gedo oo yeelatay Gudoomiye cusub iyo Gudoomiyahaas oo loo diiday in uu usafro Gobolka. – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Police reservist killed as al-Shabaab militants attack communication mast in Wajir

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Xog ku saabsan qaraxyo saaka laga maqlay Doolow

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Faahfaahin:- S/Land iyo SSC oo Madaafiic isku waydaarsaday Laascaano + Guryo gubanaya iyo dhaawacyo… – Puntland Times

June 7, 2023

DEG DEG Puntland oo War Lama Filaan ah Kasoo Saartay Doorashada Garoowe iyo Cabsi Xoogan oo Laga Qabo in Dagaal uu

June 7, 2023

Fahad Yasin oo Warqad furan u soo diray RW Xamsa (Labo Sifo waad ka bad qabtaa)

June 7, 2023

Arbaco, Jun 7 , 2023-Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo dowladda goboleedyada oo War murtiyeed laga soo saaray

June 7, 2023

Dhoofka xoolaha so si xooggan uga socda dekedda Boosaaso

June 7, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Bellingham, Benzema, Mac Allister & Saxiixyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Suuqa Xagaaga.

June 7, 2023

Fahad Yasiin oo warqad u diray RW Xamse “CADKAAD KU FADHIDO HANA CUNIN HANA CEEBEYNIN” – Puntland Times

June 7, 2023

Doorashada Tifaftiraha

DEG DEG Dowlada Soomaaliya oo Ku Dhawaaqaday War Ka Nixiyay Ganacsatada Muqdisho

June 7, 2023

Xassan Shiikh oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Ergayga cusub ee QM (Sawirro)

June 7, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.