Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Gudaha

Dahabka Somaliya laga dhoofiyay 2020 iyo 2021.

May 12, 2022
gudaha Wararka Gudaha
59 3
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Waa maxaay waxa ugu badan ee Somalidu Dibadda u dhoofiso?Jawaabtaadu waa Xoolaha nool ( Livestock Export) .

Aniguba sidaa ayaan ku jawaabi lahaa 20 Cisho ka hor, taana Labadeenuba waa ku khaldanaa leheyn. waxa ugu badan ee Labadii sano ee la soo dhaafay Dalka laga dhoofiyay waa Dahab.

Sanadkii 2020 iyo 2021, waxaa Dalka laga dhoofiyay Dahab Sicirkiisu u dhexeeyo $128 Million ilaa $132 Million. weey igu adkaatay markii hore in aan aamino, Qofku wixii uuna ogeyn ama uuna aqoon waxa u fudud in uu yiraa, Ma dhici karto ama waa Been.

Bacdamaa aan ahay Qof dhaqaalaha wax ka bartay, Arrintuna ay la xiriirto takhasuskeeyga ,waxaan go’aansaday in aan isku dayo in aan wax badan ka ogaado.Dadku waxa ay isku khaldaan Kalmadaha, ( Cost, price and Value) oo laga yaabo in Luqadda Somalida si isku dhaw loo wada isticmaalo, Lakin Macnahoodu aad u kala duwanyahay.

waxa aan bilaabay Cilmi baaris iyo Xog Ururin arrintaa la xiriirto, Laba habeen ayaan ku gaaray saacado dambe, waxa aan raadiyay Khubaro dhaqaale oo ay ku jiraan Macalimiinteeydii hore ee Jaamacadaha, waana la kulmay. kadibna waxaan tagay Xarumaha Wasaaradaha ay khuseeyso qaarkood, Doodda Cilmi baariseed waxaan ku gaarnay ilaa 5ta galabnimo qado la’aan, shaqaalihii oo dhanna waa ka rawaxeen shaqdii.

Deegaanada hadda aadka looga soo saaro Dahabka waxaa ka mid ah: Somali land, Gobalka Barri, Sanaag, Labadda Shabeele iyo Hiiraan. Xukuumadda iyo wasaaradda Maaliyadu dhoofinta Dahabka ee socoto shaqa kuma leh, ma fasixin mana fududeeyn.

Meelaha laga dhoofiyo qaar ma xakumaan. Mogadishu ayeey leeyihiin wax yaabaha laga dhoofiyo qaar ma ogaan karno, ama ma jooji karno. Dhab ahaan wasaaraddu lug kuma leh dhoofinta Dahabka, Laakin waa lagu eedeeyn karaa maxaad u ogaa weeyseen. Wadamo waxaa jiro aan lagu darin kuwa Dahabka soo saaro sida Switzerland, laakin Dahab badan dhoofiyo, kaa oo ah mid lagu keeydsaday, lagu kala iibsaday, kadibna dib loo dhoofiyo.

Dahabku waxa uu ka mid yahay, Macdanta ugu raqiisan, waxaa uu uga jiraa Kaalinta 21aad, Macdanta qaar 100.000 jeer ayeey ka qaalisanyihiin Dahabka. Khubarada Dhaqaalaha ee aan la kumay qaar ayaa aamisan in lagu dhax qarinayo Macdan kale oo Dhahabka ka qaalisn oo la dhoofiyay.

Macdanta qaarna wadamada laga helo haddaan si nidaamsan loo maamulin waxaa suura gal ah in ay Abuurto Colaad joogta ah oo Shirkaduhu ay Abuuraan, si ay xasilooni darida uga faa’iideeystaan.

Dhabka jajabka ah ee Haweeynka Ganacsada ahi u dhoofiyaan Dubai, si loogu soo habeeyo oo Mode-ka markaa socdo looga dhigo, kaa qiimahiisu sanadkii waa $ 1.5 Million kaliya, isaga laftiisa cashuurtiisa waa lala dhuuntaa.

Sicirka Dahabkaa Jajabka loo yaqaan, aad ayuu uga hooseeyaa inta Dahab la dhoofiyo, markaa isma laha labada Dahab ee la dhoofiyo. Dahabkii laga dhoofiyay Somaliya 2020 iyo 2021 Badankiisa waxaa loo dhoofiyaa Dubai, Ruushka iyo Shiinaha.

Hadda si xoowli ah ayeey uga socotaa Dalka Qodidda Dahabku, waxaana Dalka ku soo badanayo Xafiisyo si Lacag la’aan ah kuu baarayo Dhagax kasta oo aad ula timaad, kadibna kaala heshiinayo sicirka.

Qof ahaan Ma diidani in Dahab Dalka laga dhoofiyo, waxaan rabaa oo kaliya in si nidaamka waafaqsan loo dhoofiyo, Dowladu Cashuur ka qaadato Dahabkaa, Suuq Ganacsi loo raadiyo si aan loo dhicin Dadka dhoofiyo Dahabka, oo ay ku iibiyaan sicirkiisa Saxda ah.

Saaxiibadeey iyo Aniguba waxaan ku heshiinay in cilmi baaristaa la sii wado si loo ogaado haddii Dahabka la dhoofiyay 2020 iyo 2021 uu kaalinta 1aad uga jiro waxa ey dhoofisay Somalidu, uuna ka horeeyo Xoolaha nool. Adigana waxaan kaa codsaneeynaa in wixii Ogaalkaaga ah aad nagu biiriso .

Qore: Yahya Amir

Xigasho: Allsanaag

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Gudaha

Madaxweyne Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Joachim Waern iyo xogta waxii ay kawada hadleen

September 25, 2023
Wararka Gudaha

Buuq ka dhashay soo jeedin ku aadan Muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Ruto

September 25, 2023
Wararka Gudaha

Axmed Madoobe oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada xubno cusubna magacaabay

September 25, 2023
Wararka Gudaha

Xubno kasoo goostay Shabaabka ka dagaallamaya gobolka Mudug oo lasoo banhigay

September 25, 2023
Wararka Gudaha

Shir u dhaxeeya Aadan Madoobe iyo Siyaasiyiinta diidan Laftagareen oo ka socda Villa Hargeysa

September 25, 2023
Wararka Gudaha

Ciidamo huwan ah oo Weerar ku qaaday dhul howd ah ay ku sugnaayeen Al Shabaab

September 25, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Somaliland government releases freelance journalist Abdimalik Oldon

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran – Halgan

    76 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Madaxweyne Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Joachim Waern iyo xogta waxii ay kawada hadleen

September 25, 2023

Isniin, Sept 25, 2023-Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay saamaynta ka dhalan karta hakinta Midowga Yurub ee taageerada gargaarka dalka

September 25, 2023

Digniin: “Mashiinnada caqliga macmalka leh dhowaan way naga caqli badan doonaan”

September 25, 2023

Ancelotti Oo Ka Hadlay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Atletico Madrid.

September 25, 2023

Buuq ka dhashay soo jeedin ku aadan Muddo kororsi loo sameeyo Madaxweyne Ruto

September 25, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Somaliland rejects talk of unification with Somalia after Museveni comment

September 25, 2023

Sol Campbell Oo Ku Digtay Xiddig Arsenal Ah Kadib Kulankii North London Derby.

September 25, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Xog la yaab leh oo laga keenay ninkii Somaliland ay u dirsatay Uganda – Allbanaadir

September 25, 2023

Axmed Madoobe oo isku Shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada xubno cusubna magacaabay

September 25, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.