Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta codadka wareega labaad doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo gudbayo wareegga saddexaad.

Wareegaan labaad waxaa ka soo gudbay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 110-cod iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 83-cod.
Sidoo kale, wareegan waxaa ka haray Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 67-cod iyo Xasan Cali Kheyre oo helay 63-cod.
Waxaa hadda billaabanaya codeynta wareegga 3-aad oo ah kan ugu dambeeya oo ay isugu soo hareen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xigasho: Horseed Media