Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Gudaha

Madaxweyne Xasan oo jawaab deg deg ah kasoo saaray go’aankii Biden ee Soomaaliya

May 17, 2022
gudaha Wararka Gudaha
58 4
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab oo khatar weyn ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horay u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab uu wiiqay go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.

Tirada guud ee ciidamada Mereykanka ee Soomaaliya ayaa noqon doonta “ku dhowaad 500” loomana dirayo inay ka qeyb-galaan dagaal toos ah, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden oo codsaday inaan la magacaabin.

Taa beddelkeeda, ciidamada waxay la shaqeyn doonaan ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan amniga shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo hay’adda USAID ee Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaalkaas.



Xigasho: Caasimada

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Gudaha

Sidee ayaa loo diley Hadrawi Sangub, marxuunka geeridiisu hormuudka u noqotay Kacdoonka Buluuga ah?

January 28, 2023
Wararka Gudaha

Sawirro: Nin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan

January 27, 2023
Wararka Gudaha

Nin la waayay 66-sanno kahor oo dib ugu noqday Qoyskiisa iyo farxad lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

January 27, 2023
Wararka Gudaha

Wafdi ka socda Hey’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Qadar oo gaaray Kismaayo

January 27, 2023
Wararka Gudaha

Maxaa demiyey degmooyinka waqooyi ee Muqdisho oo shiday kuwa koonfurta? Warbixin

January 27, 2023
Wararka Gudaha

Muwaadiniin Itoobiyaan ah oo la qabtay iyaga oo Daroogo galinaya dal Carbeed

January 27, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Madaxweyne Xasan oo Baydhabo ka daah furay hindisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Muwaadiniin Itoobiyaan ah oo la qabtay iyaga oo Daroogo galinaya dal Carbeed

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Maxaa demiyey degmooyinka waqooyi ee Muqdisho oo shiday kuwa koonfurta? Warbixin

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somaliland oo dhaq-dhaqaaq cusub ka billowday Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Fight against Al-Shabab is Jihad, Somali Islamic Scholars ruled

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Reer Camp Nou Rikoor Guul La`aan Ah Ayay Ka Haystaan

January 28, 2023

Sidee ayaa loo diley Hadrawi Sangub, marxuunka geeridiisu hormuudka u noqotay Kacdoonka Buluuga ah?

January 28, 2023

Turkiga oo u yeedhay danjiraha Denmark, ka dib markii Denmark lagu gubay kitaabka Quraanka ah

January 28, 2023

Sawirro: Nin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan

January 27, 2023

Palestinian gunman kills 7 in East Jerusalem shooting

January 27, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Man City Oo Dhulka Ku Jiiday Arsenal Iskana Xaadirisay Wareega 16-ka FA Cup-ka.

January 27, 2023

Ruushka oo Eriteria kala hadlay isticmaalka dekedaha iyo garoomadeeda ku yaalla badda cas

January 27, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Waan ogaa In Jesus Ku Biirayo Arsenal, Halkan Sabab Ayaanan Ula Yaabay Heshiiskii Zinchenko Ku Yimid Arsenal.

January 27, 2023

Shaxda Ugu Fiican Qaybta Hore Ee Xilli Ciyaareedka Premier League Oo La Soo Saaray.

January 27, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.