Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Gudaha

Nin oon dartiisa u dhintay oo Qoyskiisa magdhaw ahaan loo siinayo Malaayiin Dollar !

March 19, 2023
gudaha Wararka Gudaha
58 4
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Jaamacad ku taal gobolka Kentucky ee waddanka Mareykanka ayaa oggolaatay inay $14 milyan oo doollar ay siiso qoys nin ciyaarta lagdinta dheeli jiray oo u dhintay jirka oo aad u kululaaday aawadii kaddib markii uu ku baryootamay in biyo la siiyo xilli uu tababaranayay.

Grant Brace, oo 20-jir ahaa, ayaa dhintay bishii Agoosto 2020, kaddib markii uu wax badan degdeg ku fuulay oo uu misana uga soo degay buur. Qareennadiisa ayaa sheegay in tababarayaashiisa ay u diideen inuu biyo cabo.

Laba tababare oo lagu xusay dacwadda ayaa lagu eedeeyay inay kooxda ku abuureen “jawi cabsi iyo cagajuglayn ku dhisay”.

Jaamacadda Cumberlands ayaa sheegtay inay rajaynayso in heshiiska la gaaray uu arrintaas soo afjari doono.

Balse waxa ay ku adkaysatay in ay dacwaddaas ka guulaysan laheyd haddii ay sii wadi laheyd maxkamadaynta.

“Waxaannu rajaynaynaa in waqti hore xal laga gaaro doodda dhanka sharciga ay qoyska Brace u horseedi doonto deggaanshiyo iyo inay ka bogsadaan waxa soo gaaray,” guddoomiyaha jaamacadda Jerry Jackson ayaa sidaasi ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Dacwadda ayaa lagu sheegay in Brace oo ka soo jeeda Louisville, uu “aad u jahawareeray” kaddib maalintii koobaad ee uu tababarka adag ku qaatay aagga loo yaqaan “Buurta Ciqaabta” ee xaruunta dhexe ee jaamacadda.

Wiilkan jaamacadda ku cusbaa ayaa la ogaaday in hurdadiisa aanay iskutoosnayn iyo in ay hoosayso in diiradda uu marqura meel saaro, taas oo ku qasabtay inuu qaato dawooyin ay tahay inuu biyo badan u cabbo, gaar ahaan waqtiga uu tababarka samaynayo.

Sida lagu sheegay dacwadda, walow uu qabay baahi caafimaad, haddana labada tababare ayaa ku jeesjeesay markii uu waydiistay in biyo la siiyo, iyagoo yiri: “Ma waxay kula tahay inaad tahay qof gaar ah oo ay tahay in biyo badan loo oggolaado?”

Maalintii uu dhimanayay, Brace waxa uu si degdeg ah ku fuulay oo uu uga soo degay buurta kaddibna “waa uu fadhiistay isagoo aad u taagdaran”, ayaa lagu sheegay dacwadda.

Kaddib markii loo sheegay in kooxdu ay dhaqaaqayso, ayaa la sheegay in lagu yiri waa inaad markale orod ku fuushaa dusha sare ee buurta markaas oo intuu istaagay uu yiri: “Waan daalay, ma awoodo inaan sii wado.”

“Kulayl aad u daran oo uu dareemay kaddib, Grant ayaa ku baryootamay ‘biyo ayaan rabaa, war I caawiya,” ayaa lagu sheegay dacwadda, waxaana ay intaasi ku dartay in dadka uu u sheegay inuu dareemayo inuu dhimanayo, waxaase loo qaatay inuu iska hadlayo.

Tababarayaasha ayaa ku qayliyay kaddib markii ay kooxdu dib ugu soo laabatay dhismaha kaddibna wuu isaga tegay qolkii lagdinta, ayaa lagu sheegay dacwadda. Waxa uu doontay goob ay biyo ka soo qulqulayaan, balse waa uu miyirdaboolmay waana uu dhintay kahor inta uusan helin biyo.

Tababarayaasha ayaa helay 45 daqiiqadood kaddib.

Afhayeen u hadlay jaamacadda ayaa sheegay in jaamacaddu ay rumaysan tahay inay ka guulaysan laheyd dacwadda, “balse loollanka dhanka sharciga ayey suuragal tahay inuu muddo dheer qaato, oo uu adkaado kharash badanna ku baxo, halkaasna ay ku lumaan sanado maxkamad ay socotay oo aanan la garanayn waxa ka soo bixi doona”.

“Jaamacaddu waxa ay gaartay go’aankan si ay xal uga gaarto kiiskan xilligan la joogo weliba hab ay rajaynayso inay qaddarin u tahay qoyska Brace ee ay soo gaartay dhibaatada baaxadda wayn.”

Jaamacadda ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaysa barnaamij tababar ah oo lagu wacyigalinayo xannuunka jirka aadka u kululaado, sidoo kalana ay jaamacaddu gacan ka gaysan doonto baraarujinta dhaawacyada kulaylka la xiriira, ayuu intaasi ku daray afhayeenka jaamacadda.

Source Bbc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Xigasho: Allbanaadir

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Gudaha

C/QAADIR NUUNE “Aragtideyda, FSAN ahaan waxaan u baahanahay in na lala xisaabtamo, waana waajib saaran ururada”

April 1, 2023
Wararka Gudaha

Ciidanka Puntland oo qabtay lacago been abuur ah iyo dadkii watay

April 1, 2023
Wararka Gudaha

Faaqidaadda Toddobaadka: Shirweynaha Doorashooyinka Puntland

March 31, 2023
Wararka Gudaha

Dagaal weli socda & ciidanka Somaliland oo Madaafiic culus ku garaacay Laascaanood

March 31, 2023
Wararka Gudaha

Warbixin dagaalkii maanta ee Laascaanood

March 31, 2023
Wararka Gudaha

Sargaal Ciidan oo lagu dhaawacay qarax lala eegtay Caawa iyo Faah faahino kasoo baxaya

March 31, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Dagaalo mar kale saaka ka dhacay duleedka Laascaanood & Wararkii u dambeeyey

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Karmel Mall’s Basim Sabri makes his biggest move, a sign of growing immigrant prosperity

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Basaasiin looga shakisan yahay Kuuriyada Woqooyi oo iska dhigay saxafiyiin ka socota VOA

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Heerarka LBMA kuma filna si loo xaqiijiyo daah-furnaanta ganacsiga dahabka ee Afrika, ayay tiri SwissAid

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somaliland oo iska fogeysay faddeexad ka dhalatay mashruucii Imaaraadka ee Berbera

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Blues Oo Doonaysa In Ay Sii Wataan Guulaha Xidhiidhka Ah.

April 1, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

April 1, 2023

Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Leeds.

April 1, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

April 1, 2023

C/QAADIR NUUNE “Aragtideyda, FSAN ahaan waxaan u baahanahay in na lala xisaabtamo, waana waajib saaran ururada”

April 1, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Ciidanka Puntland oo qabtay lacago been abuur ah iyo dadkii watay

April 1, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Maraykanka oo walaac ka muujiyay colaada Laascaanood iyo dib u dhaca doorashooyinka Somaliland

April 1, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Faaqidaadda Toddobaadka: Shirweynaha Doorashooyinka Puntland

March 31, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Bangiga Adduunka oo sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in ay u qalanto deyn cafinta

March 31, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.