Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Gudaha

Saadaasha Doorashada: Yaa ku guuleysan doona madaxweynaha 10aad ee dalka ?

May 14, 2022
gudaha Wararka Gudaha
60 2
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Waxaa lagu jiraa maalintii ugu dambeysay ee diyaar garowga doorashada madaxweynaha oo sannadkaan ka xiiso badan xilliyadii hore. Xilliyadii hore waxaa dhici jiray in tartamaasha badankood aan la qoon, cidda soo bexeysa saadaalinteeda ay adkeyd, xildhibaannada dhinaca ay jiraan aan aad loo ogaan jirin, hase yeeshee doorashadaan wax waliba bannaanka ayey yaallaan.

Waxaa lasii ogyahay awoodda tartamaasha, xildhibaannada daacadda u ah ee u jooga, awooda siyaasiyiinta kala shaqeynaya ololaha iyo awooddiisa dhaqaale.

Saadaalintaan waxay ku qotontaa xog aruurin xirfadeysan oo ku saabsan sooyaalkooda siyaasadeed, shaqadii ay ka qabsadeen soo saarista xildhibaannada taas oo tartamayaasha kusoo koobeysa 5 murashax oo kala ah 3 madaxeynayaal hore, Ra’iisul Wasaare hore iyo madaxweynaha Puntiland.

  • Madaxweynaha talada jooga

Sida caadiga ah madaxweynaha talada jooga waxuu hoggaamiyaa doorashada wareegga hore sabab la xariirta in xilliga soo saarita xildhibaannada uu shaqo wanaagsan qabsado isagoo adeegsanaya awoodda dowladnimada iyo inuu heysto fursado uu ballan qaadyo badan ku sameeyo.

Doorashadii guddoonka golaha shacabka ee dhawaan dhacday waxay shaaca ka qaaday in madaxweynaha talada haya uu heli karo ku dhawaad 100 mudane oo cod siin karta wareegga 1-aad, hase yeeshee sida caadada aheyd cid waliba oo cod siin laheyd madaxweyne Xafiiska jooga waxay codkeeda siisaa wareegga hore mana jirto cid wareegga 2aad u dhiganeysa taas oo ka dhigan in halka uu wareegga hore istaago ku ekaan doono.

  • Ra’iisul Wasaarihii hore

Xasan Cali Khayre oo labadii sano ee ugu dambeysay ku jiray diraar garow xooggan, waxuu dadaal badan geliyay sidii uu xildhibaanno uga soo saaran lahaa dhamaan deegaan doorashooyinka dalka, waxuuna ku guuleystay arrintaas.

Sidoo kale Khayre waxuu ku guuleystay inuu helo kaadiriin ololaha ku wanaagsan oo ka tirsan labada gole kuwaas oo mid kasta oo kamid ah uu saameyntiisa ku leeyahay baarlamaanka.

Xog uruurinta la sameeyay waxay caddeyneysaa in codad u dhexeeya 80-95 uu uga soo gudbayo wareegga 1aad taas oo ka dhigan inuu yahay tartamaha ugu xooggan marka laga soo tago madaxweynaha talada jooga.

Madaxweynaha Puntiland oo soo xushay xildhibaanno uu dadaal badan geliyay inay codka siin doonaan ayaa la saadaalinayaa inuu yahay tartamaha sedaxaad ee kasoo gudbi kara wareegga 1aad. Deni wuxuu gacantiisa kusoo qoray 48 mudane oo labada gole ka tirsan sidoo kale waxaa la aaminsanyahay inuu tiro codad ah uga tashanayo dowlad gobaleekda Jubaland.

Maxaa caqabad heysta oo bulshada qaar ka qarsan?

Siciid Deni waxaa soo wajahay caqabado badan oo sahlaya inuu waayo codad badan oo markii hore uu aaminsanaa inay jeebka ugu jiraan.

1) ma jiro siyaasi, wax-garad iyo qof kale oo bulshada saameyn ku leh oo Deni ku garab taagan ololaha uu ugu jiro doorashada madaxweynaha.

2) Madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo isaga ayaa dagaal xooggan ka dhexeeyaa taas oo keeneysa in 10ka xildhibaan ee Dhulbahante uu badankood waayo.

3) Siyaasiyiin xooggan oo saameyn lahaa ayuu xildhibaanno usoo diiday, waxayna xilligaan ka shaqeynayaan qaabkii uu codad badan ku limin lahaa.

4) dagaalkii dhiiggu ku daatay ee Boosaaso, weerarkii oday dhaqameedyada ee Gaalkacyo, xasaanad ka xayuubintii xildhibaannada iyo shaqo ka eryidii guddooyihii hore ee baarlamaanka Puntiland ayaa qeyb ka ah caqabadaha heysta.

6) Madaxweynihii hore ee Puntiland cabdiraxmaan Faroole ayaa kamid siyaasiyiinta kasoo horjeedda ee doonaya inay wax ka dhistaan madaxweyne kale.

7) Cali Xoosh iyo Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo kamid ah  xildhibaannada ugu awoodda badan mudanayaasha Puntiland laga soo doorto ayaa ole oleynaya sidii uu Xasan Cali Khayre uu dalka madaxeyne uga noqon lahaa.

Caqabadahaas oo dhan waxay hoos u dhigayaan rajada uu Deni ka qabay inuu dalka hoggaamiyo waxaana la filayaa inuu codad u dhexeeya 35-40 uu uga gudbo wareegga 1aad.

Sida caadada aheyd madaxweyne hore dib looma doorto, ha noqdo kan xilligaas jooga ama mid xilli hore soo taliyay, waana sunno horay loo bartay oo ay adagtahay in wax iska bedelaan.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligii uu taliyay bulshada iyo siyaasiyiintuba ku diideen kooxda Damul-jadiid ee ku hareereysan ayaan wali qaab dhismeedka ololihiisa aan wax kabedelin, taas oo keeneysa in xildhibaanno kale ayan ku dhiirran inay dhankiisa soo maraan. Xilliyadii mudanayasha baarlamaanka lasoo saaranayay ma jirin mudanayaal la ogyahay oo isaga u soo baxay marka laga tago qaar kamid ah saaxiibadii oo kuraastoodii soo qaatay. Dhamaaan kuraastii beeshiisa hoose ee laga soo doortay Galmudug ayaa u gacan galay madaxweynaha mudda dhaafka ah, maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ma jiraan siyaasiyiin xooggan oo dhiniciisa olole ka wada oo beeshiisa Hiraab iyo kooxdiida UPD ka baxsan. Waxaa la filayaa inuu noqdo qofka afaraad ee wareegga hore ka soo gudbaya iyadoo la qiyaasayo inuu heli karo 30-35.

 

  • Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynihii hore ee dalka oo ay u noqoneyso markii afaraad ee uu u tartamo xilka madaxweynaha (Mar uu guuleystay, 2 mar oo laga adkaaday iyo markaan), ayaa la filaya inuu ku guul darreysto inuu u gudbo wareegga 2-aad sabab lalal xariirinayo dhaqaale la’aan, inuusan heysan xilhdibaanno badan oo daacad u ah oo isagu soo saartay iyo inaysan jirin koox ololaha kala shaqeysa oo u keeni xildhibaanno kale. Waxaa la filayaa inuu la haro codad dhan 25-20, uuna noqdo qofka afaraad.

W/Q Nuur Xasan Jimcaale

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Xigasho: Allbanaadir

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Gudaha

Fahad Yasin oo Warqad furan u soo diray RW Xamsa (Labo Sifo waad ka bad qabtaa)

June 7, 2023
Wararka Gudaha

Xassan Shiikh oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Ergayga cusub ee QM (Sawirro)

June 7, 2023
Wararka Gudaha

(Sawirro) Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha ciidamada Itoobiya ee jooga Jubbaland iyo Arrinta Gedo oo

June 7, 2023
Wararka Gudaha

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Ergayga cusub ee Xoghayaha Guud ee Q/M u soo magacaabay Soomaaliya (Sawirro)

June 7, 2023
Wararka Gudaha

Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu weeraray ciidamada Itoobiya iyo Al Shabaab oo War kasoo saartay

June 7, 2023
Wararka Gudaha

Bangiga Adduunka oo Shaaciyay War ka farxiyay shacabka iyo dowladda Kenya

June 7, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Police probe ‘strange’ ransom demand in Ciku Muiruri’s abduction case

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Al-Shabab militants abduct medical aid workers in Hiiraan region

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Xog ku saabsan qaraxyo saaka laga maqlay Doolow

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Degdeg:- Gedo oo yeelatay Gudoomiye cusub iyo Gudoomiyahaas oo loo diiday in uu usafro Gobolka. – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Police reservist killed as al-Shabaab militants attack communication mast in Wajir

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Fahad Yasin oo Warqad furan u soo diray RW Xamsa (Labo Sifo waad ka bad qabtaa)

June 7, 2023

Arbaco, Jun 7 , 2023-Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo dowladda goboleedyada oo War murtiyeed laga soo saaray

June 7, 2023

Dhoofka xoolaha so si xooggan uga socda dekedda Boosaaso

June 7, 2023

Bellingham, Benzema, Mac Allister & Saxiixyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Suuqa Xagaaga.

June 7, 2023

Fahad Yasiin oo warqad u diray RW Xamse “CADKAAD KU FADHIDO HANA CUNIN HANA CEEBEYNIN” – Puntland Times

June 7, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

DEG DEG Dowlada Soomaaliya oo Ku Dhawaaqaday War Ka Nixiyay Ganacsatada Muqdisho

June 7, 2023

Xassan Shiikh oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Ergayga cusub ee QM (Sawirro)

June 7, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Two police officers killed, 12 others injured in Mandera attack

June 7, 2023

Xog ku saabsan qaraxyo saaka laga maqlay Doolow

June 7, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.