Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Gudaha

Sawirro: Meydadka Shabaab-kii maanta weeraray xarunta gobolka oo lasoo bandhigay

January 22, 2023
gudaha Wararka Gudaha
60 2
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacado badan kadib dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in lasoo gabagabeeyey weerarkii ay maanta Al-Shabaab ku soo qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo lasoo bandhigay meydadka Shabaab-kii weerarka fuliyey.

Afhayeenka booliska Soomaaliya iyo guddoomiyaha dhanka maaliyadda ee maamulka gobolka oo warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee xarunta maanta la weeraray ee dowladda hoose ayaa shaaciyey khasaaraha ka dhashay weerarkii Al-Shabaab.

Ugu yaraan 6-qof ayey xaqiijiyeen masuuliyiintaan in lagu dilay weerarka, kuwaas oo kamid ahaa shaqaalaha maamulka gobolka, halka tiro kale oo aan la cayimina ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale goobta waxaa lagu soo bandhigay meydadka ugu yaraan shan xubnood oo Shabaab ah, kuwaas oo lagu dilay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir oo saacado badan ay ka dagaalamayeen.

Ragga weerarka soo qaaday oo la sheegay inay gaarayeen lix nin ayaa ugu horeyntiiba waxaa is qarxiyey hal nin 12:10 duhurnimo ee maanta, iyadoo markaas kadib 5-ta kale ay gudaha u galeen xarunta oo bilaabeen dagaal toos ah.

Xubnahaan Shabaab-ka ah oo dagaalamayey ugu yaraan afar saacadood ayaa la sheegay in xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ka soo galeen dhabarka dambe ee xiga dhismaha xarunta wasaaradda maaliyadda.

“Waxaa afartii galabnimo lagu guuleystay in lasoo afjaro weerarkii Khawaarijta, 5 qof oo weerarka soo qaaday ayaa la dilay, hal qofna markii hore ayuu is qarxiyey, shacabka lix qof ayaa dhimatay, waana loo gurmaday dadkii ku dhaawacmay weerarkaas,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ciidamada ammaanka uga mahad celiyey sida ay ugu guuleysteen inay yareeyaan khasaaraha oo dadkii xarunta joogay laga badbaadiyo kooxda weerarka soo qaaday.

Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa loo soo bandhigay warbaahinta, iyadoo la isugu keenay banaanka hore ee xarunta ay weerareen ee maamulka gobolka Banaadir.

Kooxda ayaa maanta aad u adeegsaneysay qaraxyo jugtooda meelo fog laga maqlaayey, waxayna dagaalamayeen in ka badan afar saacadood, hase yeeshee dadka goobta ka ag dhawaa waxay kuu sheegayaan in khasaaraha uu wax badan ka yaryahay intii loo maleynayey inay geysa karaan, taas oo lagu amaanay ciidamada ammaanka.

Hoos ka eeg sawirrada  



Xigasho: Caasimada

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Gudaha

Madaxweyne Xasab Sheekh oo la kulmay Waalidiin Carruurtooda Eritrea loo qaaday (Sawirro)

January 27, 2023
Wararka Gudaha

Soomaalida dalka Kenya oo walaac ka muujiyay HADAL kasoo yeeray Raila Odinga

January 27, 2023
Wararka Gudaha

Dilaa halis badan kuna xiran Xabsi oo codsaday in uu ka qeybgalo dagaalka ka socda Ukraine

January 27, 2023
Wararka Gudaha

Wasiir ROOBOW oo xog ka bixiyay qaabka loo dhisayo Golaha Sare ee Culimada

January 27, 2023
Wararka Gudaha

Axmed Rashiid oo qaadey Tallaabo uu ku hor istaagayo Dacwadda dilka ah ee loo heysto

January 27, 2023
Wararka Gudaha

Xamza oo oo miisaankiisa muujiyay iyo Deni iyo Xasan Sheekh oo sii kala fogaaday

January 27, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Muqdisho: Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo Warmurtiyeed laga soo saaray

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • US military kills senior Islamic State official in Somalia

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Puntland oo maxkamad soo taagtay xubna loo haysto kamdi ahaanshiyaha Al-shabaab

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka furmaya Laascaanood

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Al Shabaab leader killed in Galgadud

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Jimco, Jan 27, 2023-Madaxweyne Xasan Sheekh “Caalamka iyo inta badan dadka Soomaaliyeed kuma qanacsaneen howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab”

January 27, 2023

Gobolka Osun ma u wareegi doonaa APC doorashada madaxweynaha?

January 27, 2023

Sawirro: Xasan Sheekh oo xog cusub siiyey waalidiinta ciidanka ku maqan Eritrea

January 27, 2023

Madaxweyne Xasab Sheekh oo la kulmay Waalidiin Carruurtooda Eritrea loo qaaday (Sawirro)

January 27, 2023

Soomaalida dalka Kenya oo walaac ka muujiyay HADAL kasoo yeeray Raila Odinga

January 27, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Jimco, Jan 27, 2023-Shirka isimada dhaqanka Laascaanood oo dhawaan furmaya

January 27, 2023

Lionel Messi Oo Sucuudiga Kaga Daba-Tagay Cristiano Ronaldo.

January 27, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Inta u dhaxaysa Israa’iil iyo Afrika, heshiis guul-guul ah

January 27, 2023

Dilaa halis badan kuna xiran Xabsi oo codsaday in uu ka qeybgalo dagaalka ka socda Ukraine

January 27, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.