Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Gudaha

Xaadoole oo shaaciyey ninka keenay qorshihii Sh/Dhexe looga saaray Al-Shabaab

January 30, 2023
gudaha Wararka Gudaha
60 2
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Nuur-Dugle (Caasimada Online) – Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ku sugan deegaanadii Al-Shabaab laga xoreeyey ee gobolka Sh/Dhexe ayaa shaaciyey qorshihii suurta-geliyey in la xoreeyo degaanka Nuur-dugle, isagoo soo bandhigay go’aan halis ahaa, balse lagu faa’iiday oo Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu ku adkeystay.

Xildhibaanka ayaa aad u amaanay beesha Kabaale Wacbuudhan ee Abgaal, isagoo shaaciyey in xoreynta deegaanada beeshaas uu sababteeda lahaa Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo hoggaaminayey ciidankii xoreeyey Nuur-dugle iyo deegaanada u dhow.

“Maalintii aan Al-Shabaab ka xoreynay Masaajid Cali-gaduud, waxaan celi weynay Xildhibaan Yuusuf Kabaale, wuxuu na yiri aan 30 KM gudaha galno oo Nuur-Dugle aan xoreyno, waxaan dhahnay sidee isaga difaaci doonaa weerarrada Al-Shabaab, wuxuu nagu yiri beesheyda Kabaale ayaan soo kicinayaa ee mar na geeya degaanka,” ayuu yiri Xaadoole.

Wuxuu sheegay in go’aankaas lala qaatay Xildhibaan Yuusuf Kabaale, iyadoo cabsi badan la qabo oo Al-Shabaab lasoo dhex galay, balse waxaa guuleystay qorshihii xildhibaanka, maadaama ciidan xoog leh laga helay beesha Xildhibaan Yuusuf Kabaale, markii laga dul qaaday oo laga xoreeyey Al-Shabaab.

Sidoo kale Xildhibaan Xaadoole ayaa cadeeyey in xoreyntii Nuur-dugle ay u sahashay in la xoreeyey degmooyin iyo deegaanadii kale ee Sh/Dhexe ay Al-Shabaab ka joogeen, sida Aadan-Yabaal, ilaa Hiiraan iyo Galgaduud.

Xildhibaan Xaadoole ayaa ku dheeraaday ka hadalka heerka cabsidii ay qabeen dadka laga xoreeyey Al-Shabaab, isagoo ku amaanay geesinimada ay muujiyeen ciidankii is abaabulay ee beesha Kabaale oo dhul badan ka xoreeyey Al-Shabaab.

“Markii aad doorateen Yuusuf Kabaale, walee Dawac ma aadnaan doorane ogaada, Xildhibaanka isna waxaan lee yahay beel aad u fiican ayaad ka dhalatay, hadii aad aragteen ciidan inta la soo weeraray la laayey, waxay ku cusubyihiin deegaanka, balse idinka waxay idinkugu soo dhiira waayeen dhulka ayaad uga aqoon badan tihiin, hadana yaan la is dhigan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xaadoole.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole iyo Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa hoggaaminayey dagaalladii Al-Shabaab looga xoreeyey deegaanada ay Sh/Dhexe ka degaan beelaha ay ku metelaan baarlamaanka federaalka, taas oo aad loogu amaanay.

Labadaan xildhibaan oo garab ka helaya dowladda dhexe iyo madaxda ugu sareysa HirShabeelle ayaa ku guuleystay inay guud ahaan degmooyinka maamulkaas ku soo celiyaan gacanta dowladnimada, waxaana la sheegaa in Al-Shabaab ay hadda HirShabeelle uga dambeeyaan dhinaca galbeed ee wabiga Shabeelle.



Xigasho: Caasimada

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Gudaha

C/QAADIR NUUNE “Aragtideyda, FSAN ahaan waxaan u baahanahay in na lala xisaabtamo, waana waajib saaran ururada”

April 1, 2023
Wararka Gudaha

Ciidanka Puntland oo qabtay lacago been abuur ah iyo dadkii watay

April 1, 2023
Wararka Gudaha

Faaqidaadda Toddobaadka: Shirweynaha Doorashooyinka Puntland

March 31, 2023
Wararka Gudaha

Dagaal weli socda & ciidanka Somaliland oo Madaafiic culus ku garaacay Laascaanood

March 31, 2023
Wararka Gudaha

Warbixin dagaalkii maanta ee Laascaanood

March 31, 2023
Wararka Gudaha

Sargaal Ciidan oo lagu dhaawacay qarax lala eegtay Caawa iyo Faah faahino kasoo baxaya

March 31, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Dagaalo mar kale saaka ka dhacay duleedka Laascaanood & Wararkii u dambeeyey

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • DAAWO Fadeexad Culus Fadaro Family oo Dharka Dhigtay Muuqaal Galmo ah iska Soo Duubeen Daawo

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Karmel Mall’s Basim Sabri makes his biggest move, a sign of growing immigrant prosperity

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somaliland oo iska fogeysay faddeexad ka dhalatay mashruucii Imaaraadka ee Berbera

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Heerarka LBMA kuma filna si loo xaqiijiyo daah-furnaanta ganacsiga dahabka ee Afrika, ayay tiri SwissAid

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada

April 1, 2023

Blues Oo Doonaysa In Ay Sii Wataan Guulaha Xidhiidhka Ah.

April 1, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

April 1, 2023

Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Leeds.

April 1, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

April 1, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

C/QAADIR NUUNE “Aragtideyda, FSAN ahaan waxaan u baahanahay in na lala xisaabtamo, waana waajib saaran ururada”

April 1, 2023

Ciidanka Puntland oo qabtay lacago been abuur ah iyo dadkii watay

April 1, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Jimco, Mar 31, 2023-Maraykanka oo walaac ka muujiyay colaada Laascaanood iyo dib u dhaca doorashooyinka Somaliland

April 1, 2023

Faaqidaadda Toddobaadka: Shirweynaha Doorashooyinka Puntland

March 31, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.