Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Gudaha

Xog: Musharaxiinta qaar oo billaabay lacag bixinta iyo Qatar oo la sheegay inay musharax cusub taageereyso

May 14, 2022
gudaha Wararka Gudaha
61 1
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya inay si teel teel ah u billaabatay bixinta lacagaha musharaxiinta ay siinayaan xildhibaanada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xarunta ololaha musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay noqotay halkii ugu horeysay ee lacag laga bixiyey, inkasta oo weli aysan caddeyn cadadda la bixinayo.

Waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale oo dhowr ah oo bixiyey lacago kooban. 

Dhinaca kale, Villa Somalia ayaa la sheegay inay keentay xujo cusub oo yaab leh, ayada oo xildhibaanada u sheegeysa inay lacagtooda qaataan kadibna seexdaan Villa Somalia, oo subaxii lagu qaadayo basas, si looga hor-istaago inay aadaan xarumaha kale ee musharaxiinta, oo aanay lacag uga qaadan.

Villa Somalia ayaa la filayaa in in xildhibaankiiba ay siiso 100 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah. 

Xubno ku dhow musharaxiinta qaar ayaa Caasimada Online u sheegay inay rajeynayaan in ugu yaraan ay bixiyaan 50% lacag kasta oo ay bixiso Villa Somalia, ayaga oo ku doodaya in taasi ay laba mar lacag siin karto xildhibaanada, kadibna qofka ay doonaan ay u codeyn doonaan, ayaga oo ku rajo weyn in qofkaas aanu noqon doonin Farmaajo.

Dhinaca kale, machadka Sahan Reseach ayaa qoray inuu helay warbixin sirdoon oo sheegeysa in dowladda Qatar iyo Fahad Yaasiin ay si hoose u taageerayaan musharax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Cosoble oo wax kusoo bartay dalka Masar, islamarkaana ka tirsan urur diimeedka Islaamiga ah ee Ictisaam uu fikir ahaan aad ugu dhow yahay Qatar, uuna hadda yahay qorshahooda labaad haddii Farmaajo uu meel wanaagsan gaari waayo. 

Caasimada Online si madax banana uma xaqiijin karto xogta Sahan Resaerch. 

Haddii warbixintan Sahan ay sax tahay, waxay isbeddel weyn ku sameyneysaa loolanka doorashada, waxayna Cosoble kusoo dari kartaa xubnaha ka gudbi kara wareegga koowaad ee doorashada.

Loolanka ayaa waxaa weli ku horreeya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii ay u jabeen xildhibaano kasoo kala jeeda Somaliland iyo Koonfur Galbeed, halka uu horey u haystay inta badan xildhibaanada HirShabelle iyo Galmudug. 

Ka sokow Xasan Sheekh, musharaxiinta kale ee la filayo inay wareegga koowaad kasoo gudbaan ayaa ah Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo Saciid Deni, iyo Cosoble haddii ay sax tahay taageerada Qatar. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inay u badan tahay inay wareegga ugu dambeeyey doorashada isku wajahaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh iyo Farmaajo, haddii aanay wax isbeddelin saacadaha ugu dambeeyey. Waxaa sidoo kale meesha laga saari karin in la-yaab uu ka dhaco doorashada, oo xubno lama filaan ah ay soo meel fiican soo gaaraan.

Xaaladda ayaa ah mid saacadba saacadda ka dambeysay sii yeelaneysa xamaasad, waxaana mar kasta abuurmaya isbaheysiyo cusub, taasi oo xaaladda si deg deg ah u beddeli karta. 

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah. 



Xigasho: Caasimada

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Gudaha

Taalibaan oo hanjabaad culus u dirtay Iran kaddib dagaal labada dhinac dhax maray

May 28, 2023
Wararka Gudaha

Madaxweyne Museveni oo xaqiijiyay in Al-shabaab ay dileen askar ka tirsan ciidanka Uganda

May 28, 2023
Wararka Gudaha

Golaha Wadatashiga Qaran oo ku heshiiyey inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah

May 28, 2023
Wararka Gudaha

Golaha wadatashiga Qaran oo bogaadiyey doorashada qof & cod ee ka dhacday Puntland

May 28, 2023
Wararka Gudaha

DF & afar dowlad goboleed oo heshiis ka gaaray hanaanka doorashooyinka dalka (Akhriso)

May 28, 2023
Wararka Gudaha

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo la soo xiray & War-Murtiyeed ka soo baxay

May 28, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • US Africa Command launches strike against al-Shabaab militants

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somali forces capture four al-Shabab members, kill one leader

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Doorashadii ka dhacday Puntland oo dibeda soo dhigtay tuhun muddo badan jiray

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • ATMIS to withdraw 2,000 troops from Somalia

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • QM oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday xerada ATMIS ee Buulo-Mareer – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Mauricio Pochettino Oo Qalinka Ku Duugay Heshiiska Uu Ugu Biirayo Chelsea, Imisa Ayuu Seexay?

May 28, 2023

Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid heshiiskii xalay ee Golaha Wadatashiga Qaran – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 28, 2023

Taalibaan oo hanjabaad culus u dirtay Iran kaddib dagaal labada dhinac dhax maray

May 28, 2023

Somali leaders reach landmark political agreement

May 28, 2023

Fiqi oo faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

May 28, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Rashford, Bellingham, Lukaku, Neves, Messi, Mac Allister, Saka & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

May 28, 2023

CCCSharmaake “Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore”. – Puntland Times

May 28, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Mareykanka oo ‘duqeyn ku burburiyay’ hubkii ay Shabaab ka qaateen ATMIS – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 28, 2023

Madaxweyne Museveni oo xaqiijiyay in Al-shabaab ay dileen askar ka tirsan ciidanka Uganda

May 28, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.