In kabadan 110 ruux ayaa ku geeryooday dagaal kharaar oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC-KHAATUMO.
Dagaalka oo intiisa badan ka dhacay agagaarka maraaga, ayaa socday ilaa 10 saacadood, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 500 oo qof.
120 kamid ah dhaawacyada isuguna jira ciidamada dagaalamayay ee SSC iyo dad rayid ah oo ku waxyeeloobay madaafiicda Somaliland ku garaacday gudaha magaalada, ayaa la dhigay isbitaalada Laascaanood, halka 20 kamid ah ciidamada la geeyay isbitaalada caasimadda Puntland ee Garoowe.
Dhanka Somaliland, Isbitaalada Oog, Burco iyo Hargeysa ayaa la geeyay dhaawacyo wadar ahaan gaaraya 320 askari oo kamid ah ciidamada Somaliland, kuwaas oo 4 kamid ah yihiin saraakiil sare.
Sidoo kale, ilaa 7 sarkaal oo ay kujiraan Labo Taliye Guutooyin, Madaxii Tababarada Guutada 9-aad, 2 Abaanduule Guuto ayaa lagu aasay Oog.
Inta dagaalku socday ayaa sidoo kale lagu kala qabsaday maxaabiis gaaraysa 26, iyo 6 gaadiidka dagaalka ah.
Xigasho: Puntland Times