Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sheegay inuu gabi ahaanba aad uga xun yahay inay ku guuldaraysteen inay u soo baxaan tartanka Champions League isla markaana ay kooxdu niyad-jabisay taageerayaasha.
Manchester United ayaa 4-1 kaga badisay Chelsea Khamiistii, taas oo soo afjartay rajadii Liverpool ee ahayd inay boos ka hesho tartanka kooxaha Yurub xilli ciyaareedka soo socda. Kooxda Juergen Klopp ayaa ku jirta kaalinta shanaad iyagoo afar dhibcood ka hoose afarta sare iyadoo hal kulan uu harsan yahay.
“Gabi ahaanba aad ayaan u qalbi-jabay,” ayuu Salah ku yiri Twitterka. “Gabi ahaanba ma jirto wax cudur daar ah oo arrintan ku saabsan, waxaan haysanay wax walba oo aan u baahanahay si aan ugu gudubno Champions League sanadka soo socda, waana ku guuldareysanay.” ayuu raaciyay Salah.
Xilli ciyaareedkii hore, Liverpool ayaa kaliya hal dhibic ka hooseysay kooxda ku guuleysatay horyaalka Premier League ee Manchester City laakiin waxay ku guuldareysatay inay tartan adag la gasho xilli ciyaareedka haatan socda, sababo la xiriira dhaawacyo iyo qaab ciyaareed liita.
Reuters.
Xigasho: VOA Somali