Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhamaaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Cusub ee DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub inuu u fududeeyo shaqooyinka horyaala isla markana uu la garab galo masuuliyada Cusub ee loo doortay.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee muujiyay dhabar adayga iyagoo saacado badan u fadhiyay sidii ay u dooran lahayeen Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Xigasho: Puntland Times