Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Akhriso: Tirada Musharixiintii U Tartamay Xilka Madaxweynaha 20-kii Sano Ee U Dambeysay

May 12, 2022
gudaha Wararka Maanta
59 3
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Musharixiintii ugu badnaa abid ayaa isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ay doorashadiisu ay dhici doonto 15-ka May.

39 Musharax ayaa qaatay shahaadooyinka rasmiga ee musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dhamaantood ay loolan adag ugu jiraan sidii midba kan kale uu kaga guulaysan lahaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Hadaba waxaan warbixintaan aan ku eegeynaa tirada musharixiintii isku soo taagtay xilka madaxweynaha Soomaaliya 20-kii sano ee u dambaysay.

Doorashadii Carta 2000:  Kadib mudda badan oo ay Soomaaliya ku jirtay colaado sokeeyo oo bilaawday markii xukunka laga tuuray madaxweynihii militeriga ee Siyaad Barre, waxaa markale dib loo bilaabay yagleelidda nidaam dowladeed oo dalka ka hanaqaada.

Shirdib u heshiisiin ah oo uu marti geliyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu qabtay magaalada Carta, shirkaas oo Soomaaliya loogu doortay madaxweyna cusub.

Doorashada ka dhacday magaalada Carta ee dalka Jabuti waxaa xilka madaxweynanimada Soomaaliya isku soo taagay 16 musharax.

Musharixiintaas ayaa isku diiwaangeliyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2000, iyadoo doorashadaas uu ku guulaystay madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, kaas oo xilka hayay tan iyo 2004-tii.

Doorashadii Mbagathi 2004: Kadib markii ay shaqayn waysay xukuumaddii madaxweyne Cabdiqaasin waxaa markale soo dadka Soomaaliyeed kulan la isugu geeyay Mbagathi ee dalka Kenya halkaas oo lagu soo dhisay dowlad cusub.

Waxaa lagu soo doortay Mbagathi dowlad uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka aheyd ee Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf.

Doorashada Cabdullahi Yuuusuf uu ku soo baxay waxaa la tartamay oo xilkaas isku soo taagay musharixiin gaareysa 26 musharax, waxaana Cabdullahi Yuusuf uu xilkaas haayay tan iyo sanadkii 2009.

Doorashadii Caasimadda Jabuti 2009:  Soomaalida oo aan markale ku guulaysan in ay dalkooda doorasho ku qabsadaan ayaa waxaa markale madaxweynaha dowladda Jabuuti uu shir nabadeeyn ah isugu yeeray dalkiisa siyaasiyiinta Soomaalida.

Caasimadda dalka Jabuuti ayaa lagu qabtay markale doorasho uu ku guulasytay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Doorashada ka dhacday caasimadda dalka Jabuuti waxaa sanadkii 2009-kii isku soo sharaxay keliya 11 musharax oo uu ku jiro madaxweynaha ku guulaystay.

Shariif oo xilkaan hayay tan iyo 2012-kii ayaa looga adkaaday doorasho uu ku qabtay dalka gudahiisa markii ugu horeysay tan iyo burburkii.

Doorashadii 2012:   Sanadkii 2012-kii madaxweynihii xilligaas Shariif Sheekh Axmed ayaa ku guulaystay in uu dalka gudihiisa doorasha ka qabto sidoo kalena dalka uu ka saaro nidaamkii kumeel gaarka ahaa ee uu ku jiray dalka tan iyo burburkii.

Doorashadaas oo ahayd mid ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ka noqday madaxweynihii ugu horeyay ee kumeel gaaka kadib.

2012-kii waxaa xilka isku soo taagay oo ku tartamay musharixiin gaareysa 22 musharax, oo ay ku jiraan madaxweynaha xilka looga guulaystay iyo midka ku guulaystay.

Doorashadii 2017:  Waxaa markale dalka ka dhacday doorashadii labaad oo ka qabsoonta magaalada Muqdisho ahna doorashadii ugu horaysay ee dalka ka dhacdo kadib nidaamkii kumeel gaarka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo afar sano dalka maamulayay ayaa qabtay doorasho looga adkaaday oo ay isku soo taageen 21 musharax oo ay ku jiraan madaxweynihii xilka ku wareejiyay ee sheekh Shariif iyo madaxweynaha xilka kala wareegay ee Farmaajo.

Doorashada 2022:  Afar sano iyo sanad sharci darro ah kadib Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalka ka qabanaya doorasho uusan saameyn ku laheeyn kadib mudda kordhintiisii sharci darada aheyd ee uu sameystay.

Doorashada sanadkaan 2022 dalka ka dhaceyso ayaa waxaa isku soo taagay musharixiin gaareysa 39 musharax, kuwaas oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, 39 musharax waa tiradii ugu badneyd ee isku soo sharaxda xilka madaxweynaha Soomaaliya.

WQ/ Abdirahman Sabriye 

Goobjoog News

 

Xigasho: Goobjoog

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Xamza oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan

March 27, 2023
Wararka Maanta

Forgotten displaced families in Middle Shabelle say they can’t get enough food

March 27, 2023
Wararka Maanta

Hormuud Salaam Foundation oo Gargaar Gaarsiisey Xabsiga Dhexe iyo Naafada Milatariga

March 27, 2023
Wararka Maanta

Heavy flood kills seven in drought ravaged Dawa zone, Somali region, displace IDPs reeling from drought

March 27, 2023
Wararka Maanta

Waa sidee xaaladda Laascaanood maanta?

March 27, 2023
Wararka Maanta

Ciidanka NISA iyo kuwa Booliska oo howlgal culus ka sameeyay Wadajir

March 27, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Axad, Mar 26, 2023-Somaliland oo sheegtay in ay Laascaanood ku qaadayso dagaal

    76 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Ciidanka Dowladda oo Howlgallo Ka Bilaabay Shabeellaha Dhexe

    75 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxyo Daacish la beegsatay Al-Shabaab – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Faysal Cali Waraabe oo caddeeyey mowqifkiisa qorshaha cusub ee dagaalka Laascaanood

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Toogasho ka dhacday goob uu madaxweyne Xasan kaga sugnaa degmada Aadan Yabaal

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Xamza oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan

March 27, 2023

Nabadoon maanta lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

March 27, 2023

Forgotten displaced families in Middle Shabelle say they can’t get enough food

March 27, 2023

Hormuud Salaam Foundation oo Gargaar Gaarsiisey Xabsiga Dhexe iyo Naafada Milatariga

March 27, 2023

Heavy flood kills seven in drought ravaged Dawa zone, Somali region, displace IDPs reeling from drought

March 27, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Waa sidee xaaladda Laascaanood maanta?

March 27, 2023

Anceltti Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Real Madrid & Xiisaha Xulka Brazil

March 27, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Koonfur Afrika: MultiChoice waxay quful ka dhigataa kaalinta koowaad ee Afrika oo leh NBCUniversal

March 27, 2023

Ciidanka NISA iyo kuwa Booliska oo howlgal culus ka sameeyay Wadajir

March 27, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.