Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday xeero ku taalla Baardheere

March 19, 2023
gudaha Wararka Maanta
59 3
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Baardheere (Allbanaadir Media) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay xero lagu tababarayay ciidamo kamid noqonayo kuwa dadka deegaanka ee loo diyaarinayo dagaalka Al-Shabaab.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ku sugnaa xerada iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Sidoo kale waxaa xerada la weeraray agagaarkeeda saldhig ku leh ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo mar dambe u gurmaday ciidamada la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad 5 qof oo isugu jiro askar iyo tababarayaal lagu dilay weerarka saaka ka dhacay duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay la wareegtay xerada, kadibna ay dishay maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya gudaha degmadaas iyo hareeraheeda.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi ee ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Baardheere.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar is-miidaamin ahaa ay Al-Shabaab ku qaaday guriga martida ee degmadaas, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka waxyeelada kasoo gaartay kamid ah guddoomiyaha Gedo, Axmed Buulle Gareed.

Source link



Xigasho: Allbanaadir Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Khamiis, Mar 30, 2023-Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

April 1, 2023
Wararka Maanta

Xasan Sheekh oo Galmudug ku wajahan iyo qorshaha safarka oo la shaaciyey

April 1, 2023
Wararka Maanta

Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Maraykanka oo walaac ka muujiyay colaada Laascaanood iyo dib u dhaca doorashooyinka Somaliland

April 1, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Dagaalo mar kale saaka ka dhacay duleedka Laascaanood & Wararkii u dambeeyey

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • DAAWO Fadeexad Culus Fadaro Family oo Dharka Dhigtay Muuqaal Galmo ah iska Soo Duubeen Daawo

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Dagaal weli socda & ciidanka Somaliland oo Madaafiic culus ku garaacay Laascaanood

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somaliland oo iska fogeysay faddeexad ka dhalatay mashruucii Imaaraadka ee Berbera

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Bangiga Adduunka oo war farxad leh kasoo saaray deyn cafinta Soomaaliya

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Khamiis, Mar 30, 2023-Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

April 1, 2023

Reds Oo Halis Ugu Jirta In Ay Dhigto Rikoodh Xun Oo Ay Ugu Dambaysay 14 Sano.

April 1, 2023

Xasan Sheekh oo Galmudug ku wajahan iyo qorshaha safarka oo la shaaciyey

April 1, 2023

Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada

April 1, 2023

Blues Oo Doonaysa In Ay Sii Wataan Guulaha Xidhiidhka Ah.

April 1, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Jimco, Mar 31, 2023-Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

April 1, 2023

Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Leeds.

April 1, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Jimco, Mar 31, 2023-Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

April 1, 2023

C/QAADIR NUUNE “Aragtideyda, FSAN ahaan waxaan u baahanahay in na lala xisaabtamo, waana waajib saaran ururada”

April 1, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.