Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

ATMIS wax ay noo qaban weysay, ayay qabteen ciidanka xoogga – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 18, 2023
gudaha Wararka Maanta
57 5
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Dooxa (Allbanaadir Media) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiil iyo saraakiil ku xigeenno tababar ku qaadanayo waddankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyay saraakiishan dhalinyarada ah ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, sida dagaalka Al-Shabaab, doorka ATMIS iyo ammaanka guud.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan heynin askar la’aan balse ay tahay saraakiil la’aan. “Dhibaatada Soomaaliya heysta maanta Askari ma’ahan ee waa Sarkaal la’aan,” ayuu yiri khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu la wadaagay saraakiisha ay Soomaaliya u tababareyso Qatar, warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale sheegay in dhalinyaradaan looga baahan yahay inay hormuud u noqdaan howlgallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay qaadeen tallaabo aad loogu baahnaa, isla-markaana ay qabteen wax ay 15 sano qaban weysan AMISOM oo hadda loo yaqaano ATMIS, taas oo muddo fog ka howlgaleysa dalka.

“AMISOM oo haysata Taangiyaal, Beebayaal, Madaafiic iyo waxl waliba, 15 sano way noo sameen waayeen waxa ay innoo sameeyeen Ciidanka xogga dalka muddada yar,” ayuu yiri.

Madaxweynaha dowladda federaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya aysan cid kale wax u qaban karin, isla-markaana ay iyadu kaliya dhisan karto dowladdeeda, sidaas daraadeedna loo baahanyahay in la’is kaashado guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Dalkeenna isaga oo dowlad leh oo dhisan annagaa duminnay, hadda in aan dhisno oo dowlad u yeelno annaga uu naga sugayaa, gaashaanbuur NETO haddii ay timaado dowlad nooma dhisi karto. 33 dawladood Ciidankooda ayaa Soomaaliya yimaaday dhawr sano ka dib way isaga baxeen.” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn kasoo hoyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan loo yaqaano Macawiisleyda.



Xigasho: Allbanaadir Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Ugandan soldiers survive six days hiding from Al-Shabab, says military

June 7, 2023
Wararka Maanta

Kooxaha Sacuudiga oo soo bandhigay 10 ciyaaryahan oo kusoo wajahan horyaalka Saudi Pro League

June 7, 2023
Wararka Maanta

Warbixin:- USA oo ka hadashay Qaladkii ugu waynaa ee uu galay Farmaajo xilligii doorashada. – Puntland Times

June 7, 2023
Wararka Maanta

Kenyan police tear-gas protest over proposed tax hikes

June 7, 2023
Wararka Maanta

Maxamed bin Salmaan iyo Blinken oo yeeshay wadahadallo la sugayay

June 7, 2023
Wararka Maanta

High-Level Country Humanitarian Forum (CHF) concludes in Kismayo

June 7, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Police probe ‘strange’ ransom demand in Ciku Muiruri’s abduction case

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Degdeg:- Gedo oo yeelatay Gudoomiye cusub iyo Gudoomiyahaas oo loo diiday in uu usafro Gobolka. – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Former police commander narrowly escapes suspected Al-Shabaab assassination attempt in Mogadishu

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukuntay 36 qof oo ajnabi ah

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Dowlada Somalia oo amar cusub ku soo rogtay shirkaddo gaar ah (War-Saxaafadeed)

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Shaxda Riyada Carlo Ancelotti Ee Real Madrid, Kane Oo Badalay Benzema.

June 7, 2023

Maxamed bin Salmaan oo kulan si weyn looga war sugayay la yeeshay Antony Blinken

June 7, 2023

Ugandan soldiers survive six days hiding from Al-Shabab, says military

June 7, 2023

Kooxaha Sacuudiga oo soo bandhigay 10 ciyaaryahan oo kusoo wajahan horyaalka Saudi Pro League

June 7, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo kulan la qaatay Wakiilka UN-ta ee Arrimaha Carruurta

June 7, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Warbixin:- USA oo ka hadashay Qaladkii ugu waynaa ee uu galay Farmaajo xilligii doorashada. – Puntland Times

June 7, 2023

Weerar Cir iyo dhul ah oo saakay lagu qaaday deegaan Al Shabaab isku aruursanayeen

June 7, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Kenyan police tear-gas protest over proposed tax hikes

June 7, 2023

Maxamed bin Salmaan iyo Blinken oo yeeshay wadahadallo la sugayay

June 7, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.