Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka, Maxamed Axmed Othman.
Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Madaxweyne Axmed Madoobe ka degan yahay Muqdisho ayaa looga hadlay xoojinta Iskaashiga labada dal iyo kaalinta Imaaraadka Carabta ee gargaarka Bani’aadamnimo.
“Maanta waxaan hoyga aan Muqdisho ka deganahay ku qaabilay Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta,Muhammad Ahmed Othman, waxaana ka wada hadalnay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, iyo doorka Imaaraatka ee dhanka gargaarka bini’aadantinimo.”
Xigasho: Puntland Times