Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaalada caalamiga ah, cidii dhexdhexaad ay u arkayaan dhankooda, wuxuu sheegay in ay is xakameeyeen xabad joojin sameyeen dhankooda, laakiin aysan hirgalin oo dagaalkii socdo.
Muuse Biixi ayaa sheegay in aysan aqbaleyn in Puntland si qabyaaladeed u faragaliso xaaladda Laascaanood, isagoo sheegay in dadka SSC ay yihiind ad Somalilander ah.
“Dawlad ahaan xabad joojin isxakameyn ayaannu ku dadaalaynay, tiro sadex goor alle’se ma qadarin oo dhibkii way taagan tahay, dad inaga ah mid ayaan tabasha qaba oo ay tahay in la xaliyo, dawladdaha nagala shaqeynaya nabad raadinta iyo ururada daacada ah waan soo dhaweynaynaa Maanta waxa jooga haloo taliyo, Ma aqbalayno in ay Soomaaliya-gaar ahaana Puntland soo faragaliso xaalka Sool, iyadoo hab qabyaaladeed u imaanaysa”.
Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya xilli uu maalmo kahor u diiday soo jeedin katimid dawladda Itoobiya, oo wafti ka socda ay kula kulmeen Hargeysa, kuwaas oo hordhigay ciidamada Somaliland ka baxaan gobalka Sool.
Taliska Korneyl Biixi, ayaa ay dul hoganaysa eedeeymo la xiriira dambiyo dagaal oo ay ka geysteen ciidamadiisu Laascaanood, iyagoo duqeymo aan loo meel dayin la dhacay guryaha shacabka, isbitaalada iyo masaajidada magaalada.
Xigasho: Puntland Times