Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Boeing oo ku dhowaad 80 diyaarad ka iibineysa Sacuudiga

March 15, 2023
gudaha Wararka Maanta
61 1
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Riyadh — 

Shirkadda diyaaradaha sameysa ee Boeing ee dalka Mareykanka ayaa la filayaa inay ku dhowaad 80 diyaarado oo ah nooca 787 Dreamliner ka iibiso laba shirkado diyaradeed oo Sacuudiyaan ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu wargeliyey arrintan.

Warkan oo markii hore uu weriyey wargeyska Wall Street Journal ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhowaaqo Talaadada.

Qiimaha 78-ka diyaarad ee Sacuudiga iibsanayo ayaa lagu sheegay 37 bilyan oo dollar. Shirkadaha diyaaradaha ayaa badanaa hela qiimo dhimis aan la shaacin marka ay diyaarado badan dalbanayaan.

Shirkadda ay dowladdu leedahay ee Saudia iyo shirkadda cusub ee Riyadh Air ayaa labaduba heli doono diyaaradaha Boeing 787, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Labada shirkad, oo si isku mid ah u qeybsan doonaa 78-ka diyaaradeed ee 787, ayaa sidoo kale haysta ikhtiyaar ay ku iibsadaan 43 kale.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa Axaddii si rasmi ah ugu dhowaaqay aas-aaska shirkadda Riyadh Air, ayada oo madax loogu dhigay Tony Douglas oo horey madax uga ahaa shirkadda Etihad Airways.

Riyadh Air ayaa qorshuhu yahay inay u duusho 100 goobood oo caalamka ah marka la gaaro 2030, ayada oo ka faa’iideysaneysa halka ay ku taallo boqortooyada, oo ah inta u dhaxeysa Asia, Africa iyo Yurub.

Shirkadda cusub ayaa la filayaa in dhaqaalaha Sacuudiga ku darto $20 bilyan oo aan aheyn dakhliga saliidda sanadkii, islamarkaana abuurto 200,000 oo shaqooyin cusub ah.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa eryaneysa hadafyo dhanka socdaalka oo damaaci ah, kuwaasi oo qeyb ka ah aragtida dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ee “Vision 2030”, oo ay ku jirto in tirada rakaabka ee sanadlaha la saddex jibaaro oo 10 sano gudahood lagu gaarsiiyo 330 milyan.

Waxay sidoo kale dooneysa inay sanadkii gudbiso shan milyan oo tan oo xamuul ah.

Bishii November, saraakiisha Sacuudiga ayaa ku dhowaaqay qorshaha garoon diyaaradeed cusub oo laga sameynayo Riyadh, kaasi oo ku fadhin doona dhul 57 km oo isku wareeg ah, islamarkaana qaadi kara 120 milyan oo musaafiriin ah sanadkii marka la gaaro 2030, iyo 185 milyan, sanadka 2050.

Qaadka garoonka diyaaradaha ee hadda ka dhisan Riyadh, waa 35 milyan oo musaafiriin ah sanadkii.

REUTERS, AFP

Xigasho: VOA Somali

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Somali pirates tried to hijack an Israeli-owned ship. Security officials are perplexed.

November 30, 2023
Wararka Maanta

Israa’iil oo hal maalin ku kordhisay xabbad-joojinta Gaza

November 30, 2023
Wararka Maanta

Somalia has joined the EAC regional bloc. What happens next?

November 30, 2023
Wararka Maanta

Dhammaadka heshiiska xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas oo ay saacado ka hareen.

November 30, 2023
Wararka Maanta

Somali maritime police intensify patrols as fears grow of resurgence of piracy in the Gulf of Aden

November 30, 2023
Wararka Maanta

Maxkamadda Ontario oo taageertay in imtixaan laga qaado macallimiinta ilaa dugsiga sare

November 30, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran – Halgan

    80 saamiyo
    La wadaag 32 Tweet 20

Wararkii Ugu Danbeeyay

Axmed Maoobe oo Afmadow u tagay qiimeynta dhibaato halkaasi ka jirta (Sawirro)

November 30, 2023

Somali pirates tried to hijack an Israeli-owned ship. Security officials are perplexed.

November 30, 2023

Israa’iil oo hal maalin ku kordhisay xabbad-joojinta Gaza

November 30, 2023

Xoghayihii hore ee Mareykanka Henry Kissinger oo geeriyooday

November 30, 2023

Labis uu caan ku yahay William Ruto oo laga mamnuucay Baarlamaanka Kenya

November 30, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Somalia has joined the EAC regional bloc. What happens next?

November 30, 2023

Dhammaadka heshiiska xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas oo ay saacado ka hareen.

November 30, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Weerar ka dhacay magaalada Qudus (Jerusalem)

November 30, 2023

Rikoodho Badan Oo Ay Arsenal Jabisay Kulankii Ay Xasuuqday Lens

November 30, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.