Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ciidamo ka socda waddamada safka hore ay ka qaybgeli doonaan wejiga labaad ee hawgallada milatari ee ka dhanka ah al-Shabaab.
Dhinaca kalena waxaa sannad ku dhow markii kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ka bilowday gobolka Hiiraan, halkaasi oo degaano badan oo ka mid ah laga saaray kooxda.
Haddaba imaatinka ciidankaas iyo hawlgallada socda gobolka ayaa Haaruun Macruuf waxa uu ka waraystay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waana qayb ka mid ah waraysi dheer oo aan la yeelanay toddobaadkii hore.
Xigasho: VOA Somali