May 17 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya deegaanka CeelBaraf ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in saaka ay dib ula wareegeen ciidamada ATMIS iyo kuwa xoogga dalka kadib labo toddobaad oo ay halkaas dagaalamayaasha Alshabaab ay la wareegeen.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa la sheegay in ay saaka ku degeen saldhigaas iyadoo aan wax iska horimaad ah ka dhicin.
Hase yeeshee waxaa shalay lagu duqeeyay saldhigaas madaafiic balse lama sheegin waxyeelo ay geysteen.
Inta badan dadkii degenaa deegaanka Ceel Baraf ayaa hore uga barkacay kadib markii weerar qaraxyo ku bilowday ay ku qaadeen Alshabaab.
Dhinaca kale wararka kale ee ka imanaya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qarax ka dhacay magaalada Balcad ay ku dhaawacmeen afar ruux.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay goob lagu cunteeyo iyadoo ay ku dhaawacmeen waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha degmada Balcad iyo guddoomiyaha deegaanka Mareereey ee ka tirsan degmada Balcad.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle.
Xigasho: Jowhar