Wasiirka Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Jubbaland Saleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay inay dhowaan la wareegi doonaan maamulka gobalka Gedo, kaddib markii isbedel uu ku dhacay hoggaanka DFS oo Jubbaland ka qabsaday gobalkaas.
Wasiir Saleebaan Maxamed ayaa sheegay in ay hab dib-u-heshiisiin ah ay dib ugu qabsan doonaan gobalka Gedo, hadana ay bilowdeen abaabulo ay sameynayaan maamuladii sharciga ahaa ee ka dhisnaa degmooyinka Gedo, kuwaas oo ay dib ugu qabsanayaan maamulka gobalka.
Gobolka Gedo ayaa muddo waxaa ka jiray xiisad siyaasadeed, ayada oo gacan ku hayntiisa ay isku hayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubaland.
Xigasho: Puntland Times