Madaxweynaha xafiiska jooga ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha la doortay ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku guuleystay doorashadii dhacday axadii.
Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, ayaa uu faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta.
Xigasho: Puntland Times