Guddoomiyaha degmadda Boocame ee gobalka Sool, Xayle Xasan Shire, ayaa beeniyay in Ciidammo kamid ah maamulka Somaliland ay qabsadeen Boocame.
Guddoomiye Xayle Xasan ayaa xusay in maleeshiyaad deegaanka ah oo taabacsan maamulka Somaliland ay isku dayeen inay fowdeeyaan isku soo bax ay sameynayeen bulshada Boocame, kaas oo ahaa olale nadaafadeed.
Waxaa uu sheegay in bulshada degmadda Boocame ay ka hortageen isku dayga ay sameynayeen maleeshiyaadka. Haatana ay degan tahay xaalada degmadda Boocame.
Degmadda Boocame ayaa ah degmadda kali ah ee kamidka ah gobalka Sool, oo ay ka arrimiso Puntland, Waxaana dhowaanahan soo baxayay warar sheegaya in Somaliland ay qorsheynayso inay si rasmi ah ula wareegto.
Xigasho: Puntland Times