Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socdo xaafado ka tirsan magaalada, kaasoo u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna oo iyagu xalay soo galay magaalada.
Wariyaha VOA-da ee Galmudug Cabdiwaaxid Macallin ayaa soo sheegaya rasaas culus laga maqalayo xaafadaha magaalada, isla markaana uu jiro khasaare dadka rayid ah kasoo gaaray dagaalkan, waloow aan tirada rasmiga ah weli la xaqiijin karin, iyada oo dhinaca kale uu magaalada ka socdo barakac baahsan.
Dhinacayada dagaallamaya ayaan weli ka hadlin isku dhacan cusub.
Wixii kusoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan ee nagu soo noqo.
Xigasho: VOA Somali