May 14 (Jowhar.com)-Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa Bandow Caawa ka bilaabanaya kusoo rogay Magaalada Muqdisho isla markaana ku eg maalinta Isniinta ah xili doorashada madaxweynaha JFS lagu wado in maalinta beri ah lagu qabto Magalada Muqdisho.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa ka dhawaajiyay in laga bilaabo Caawa Sadax saac ( 9:00 Pm ) Magaalada Muqdisho laga hirgalinayo bandow, wuxuuna shacabka faray iney galabta soo adeegtaan.
Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in bandowga uu soconaya ilaa Subaxa isniinta ( 6:00 Am ) waxaana maalinta bari ah Magaalada Muqdisho ka Qabsoomeyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Xigasho: Jowhar