Weli waxaa socota tirinta Cododkii laga dhiibtay Doorashadii shalay ka dhacday Deegaanad Dowladda Puntland.
Waxaa jiro xogo iyo macluumaad laga helayo Natiijooyinka hordhaca ah iyadoona gobollada ay ku kala horeeyaan Xisbiyada qaar.
Inkastoo xisbiyada ay codod wada heleen hadana cododja ugu badan waxaa helay labada xisbi ee Kaah iyo Mideeye.
Puntlandtimes ayaa ogaatay in cododka ugu badan ee laga dhiibtay Gobolja Bari uu helay Urur siyaasadeedja Mideeye, waana gobolka kaliya ee uu ku horeeyo sida xogta tilmaamayso.
Hadaba sidaan ayaa loo kala helay Cododkii laga dhiibtay magaalada Boosaaso:-
Mideeye: 15,589 [14 xildhibaan]
Kaah: 10,013 [9 xildhibaan]
Sincad: 4,720 [4 xildhibaan]
Mustaqabal: 3,855 [3 xildhibaan]
Ifiye: 2,459 [2 xildhibaan]
Tirada guud ee ka codaysay Boosaaso qiyaaasta hordhaca ah waa ; 35,942 ruux.
Dhinaca kale Gen.Asad Cusmaan Diyaano oo kamid ah Madaxda Mideeye ayaa hambalyo udiray taageerayaasha Xisbiga Mideeye.
Wali waxaa jira gobollo aan la helin xogta Natiijooyinka hordhaca ah, laakin halkaan ayaan idiin kugu soo gudbin doonnaa macluumaadka.
Isha ku haay Puntlandtimes
Xigasho: Puntland Times