Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Deynta uu Shiinuhu siiyo dawladaha iyo sida shirkadihiisu uga faa’iidaystaan

May 13, 2022
gudaha Wararka Maanta
60 2
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

WASHINGTON — Amaahdii malaayiinka dollar ahayd ee uu dalka Shiinuhu siin jiray dalalka Latin Amerika ayaa haatan uu dalkaasi go’aansaday inay istaagto. Labadii sano ee u dambaysay may jirin wax amaah ah oo cusub oo la siiyey dalalka ku yaalla gobolkaas oo ay ugu horreeyaan dalalka Brazil, Ecuador iyo Venezuela, hase ahaatee wuxuu dalka Shiinuhu taas bedelkeeda xoojiyey amaahda ganacsiga iyo mashaariicda ee uu siiyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Tan iyo sannadkii 2005, siyaasadda bangiyada Shiinuhu waxay ku dhisnayd inay amaah kala duwan siiyaan dawladaha dalalka ku yaal Latin America iyo Cribbean-ka. Dalka Shiinuhu ayaa ku xidha amaahda uu bixinayo, shuruudo u damaanad qaadaya Beijing, inay ka faa’iidaysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalalkaas.

Dalalka ku yaalla gobolka Latin America iyo Crebbian-ku ayaa dalka Shiinaha ka qaatay amaah kala duwan illaa 117 jeer, iyada oo xaddiga amaahda ay qaateen ay gaadhayso illaa $138 bilyan, waxayna amaahdaas badankeeda ay ka qaateen Bangiga Horumarinta Shiinaha iyo Bangiga kale ee dhoofinta iyo soo-dejinta ee loo soo gaabiyo (Exim Bank) ee dalka Shiinaha laga leeyahay.

Dhaqaale burburkii dhacay sannadkii 2008-da, ayaa soo dedejiyey in dalalka ku yaalla gobolkani ay u leexdaan amaahda dalka Shiinaya, gaar ahaan dalalka Argentina, Ecuador iyo Venezuela, iyaga hore ay deymo ugu lahaayeen hay’adaha ka dhisan wadamada reer galbeedku, hase ahaatee waxay amaahda dalka Shiinaha u arkeen fursad maaliyadeed oo ay ku horumarin karaan dhaqaalohooda.

Amaahda Shiinuhu uu siiyo dawladaha Latin America iyo Caribbean-ka ayaa gaadhay meelihii ugu sarreeyey sannadkii 2010, waxaana taasi ay la timid shuruudo cusub, sida uu buuggiisa ku qoray Stephen Kaplan, waxaana shuruudahaas ka mid ah, in dalalka deymaha qaatay, in looga baahan yahay inay amaahdooda qayb ka mid ah ku bixiyaan saliid ama shidaal, inay iibsadaan alaabta laga soo saaro dalka Shiinaha ama inay shirkadaha dalka Shiinaha u ogolaadaan inay ka faa’iidaystaan suuqyada dalalkaas gaar ahaan dhinaca isgaadhsiinta, wershedaha iyo tamarta.

Warbixin la sii daayey bishii March ee la soo dhaafay, ayaa sheegaysa in haatan bangiyada dalka Shiinuhu ay diiradda saarayaan inay maalgeliyaan shirkadaha Shiinaha ah ee gobolka ka hawlgala. Labaatan sano ka hor shirkadaha Shiinuhu wax joogitaan ah ama xidhiidh wanaagsan ah kuma lahayn gobolkan gebi ahaanba, cid garanaysanayna may jirin, balse hannaanka deyn bixinta ee dalka Shiinaha ayaa shirkadaha dalkaas u sahlay inay galaangal u yeeshaan suuqyada dalalka gobolka, waana sababta keentay inay haatan si weyn uga dhex muuqdaan.

Margaret Myer oo ah agaasimaha barnaamijka Asia iyo Latin America ee machadka Inter-American Dailogue ee fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, ayaa sheegay in shirkadaha Shiinuhu ay haatan yeesheen shabakad isku xidhan, aanayna uba baahnayn kaalmada dawladdooda, balse ay iyagu keligood geli karaan heshiisyadooda.

Bangiyada Shiinuhu waxay joojiyeen amaahda cusub ee ay siiyaan dawladaha Latin America sannadkii 2020, waxayna taas bedelkeeda sameeyeen hab cusub oo maaliyadeed oo ay diiradda ku saaraayaan maalgelinta shirkadaha gaarka ee ka shaqeeya dhinaca tamarta, macdanta iyo kaabayaasha kale. Sannadihii 2020 iyo 2021 waxay bangiyada ganacsiga ee dalka Shiinuhu ay bixiyeen illaa 12 amaahood ama deymood oo kala duwan, kuwaas oo ay siiyeen shirkado ka soo kala jeeda dalalka Argentina, Brazil, Colombia, Mexico iyo Peru. Amaahdaas waxaa loo qoondeeyey mashaariic ay qayb ka yihiin shirkadaha Shiinuhu.

Tusaale ahaan dalka Edcuador, waxaa dalka Shiinuhu ku leeyahay amaah gaadhaysa illaa $5 Billion oo dollar, waxaana qorshaysan 42% oo ka mida amaahdaas in dalkaasi ku bixiyo saliid marka la gaadho sannadka 2024.

Xigasho: VOA Somali

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

MD Xasan Sheikh oo dalka geliyay Jawi siyaasadeed oo halistiisa leh. – Puntland Times

May 28, 2023
Wararka Maanta

DF oo markii ugu horreysay ku guuleysatay diyaarinta ciidan qalabeysan oo gaaraya… – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 28, 2023
Wararka Maanta

Museveni oo canaan kulul kala dul dhacay ciidamadii looga laayay weerarkii Buula-mareer

May 28, 2023
Wararka Maanta

ATMIS trains Somali forces on child protection ahead of troop withdrawal

May 28, 2023
Wararka Maanta

Al-Ittihad oo ku guuleystay horyaalka Sacuudiga, Ronaldo iyo Al-Nassr oo fara-marnaan ku dhammeystay

May 28, 2023
Wararka Maanta

Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid heshiiskii xalay ee Golaha Wadatashiga Qaran – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 28, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • US Africa Command launches strike against al-Shabaab militants

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somali forces capture four al-Shabab members, kill one leader

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Doorashadii ka dhacday Puntland oo dibeda soo dhigtay tuhun muddo badan jiray

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • ATMIS to withdraw 2,000 troops from Somalia

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • QM oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday xerada ATMIS ee Buulo-Mareer – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

MD Xasan Sheikh oo dalka geliyay Jawi siyaasadeed oo halistiisa leh. – Puntland Times

May 28, 2023

DF oo markii ugu horreysay ku guuleysatay diyaarinta ciidan qalabeysan oo gaaraya… – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 28, 2023

Kulan sharafeed loo sameeyay Edna Aadan oo Abaal-marin Caalami ah kusoo guuleesatay (Sawirro)

May 28, 2023

Museveni oo canaan kulul kala dul dhacay ciidamadii looga laayay weerarkii Buula-mareer

May 28, 2023

ATMIS trains Somali forces on child protection ahead of troop withdrawal

May 28, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Al-Ittihad oo ku guuleystay horyaalka Sacuudiga, Ronaldo iyo Al-Nassr oo fara-marnaan ku dhammeystay

May 28, 2023

Mauricio Pochettino Oo Qalinka Ku Duugay Heshiiska Uu Ugu Biirayo Chelsea, Imisa Ayuu Seexay?

May 28, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid heshiiskii xalay ee Golaha Wadatashiga Qaran – Allbanaadir.com | Warar Sugan | Xigasho Iyo Xaqiiq ku Salaysan | Waa Astaanta Allbanaadir Media

May 28, 2023

Taalibaan oo hanjabaad culus u dirtay Iran kaddib dagaal labada dhinac dhax maray

May 28, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.