Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Kulanka oo ahaa Quraac, kana dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ahaa is-xogwareysi ku aadan xaalada dalka iyo Qabanqaabadda xil wareejinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu si rasmi ah ula wareego Villa Soomaaliya, iyadoo la diyaarinayo munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha, oo la filayo inay kasoo qeybgalaan Madaxda dalal dariska la aha Soomaaliya.
Xigasho: Puntland Times