Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Finland iyo Sweden oo si rasmi ah u codsaday ku biirista NATO xilli ay wajahayaan diidmada Turkey

May 18, 2022
gudaha Wararka Maanta
61 1
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Brussels — 

Finland iyo Sweden ayaa si rasmi ah maanta u codsaday inay xubno ka noqdaan gaashaanbuurta NATO, hase yeeshee waxay wajahayaan diidmada dalka Turkey.

Go’aanka Finland iyo Sweden oo dhex-dhexaad ka ahaa dagaalkii qaboobaa ay ugu biirayaan NATO, ayaa ah mid ka mid isbeddeladii ugu muhiimsanaa ee ku yimaada naqshadda amni ee Yurub muddo tobanaan sano ah.

“Tani waa daqiiqad taariikhi ah, oo ay tahay inaan ka faa’iideysano,” waxaa sidaas yiri xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg oo ka hadlay munaasabad ay safiirada dalalkan ku gudbiyeen codsiga oo ka dhacday xarunta NATO ee Brussels.

“Waxaan si diiran usoo dhoweynayaa codsiyada Finland iyo Sweden ay ugu biirayaan NATO. Waxaad tihiin saaxiibadeena ugu dhow, islamarkaana ku biiristiina NATO waxay kordhin doontaa amniga aan wadaagno,” ayuu yiri.

Si kastaba, labadan dal ayaa wajahaya bilo hubanti la’aan ah oo ay tahay inay ka guuleystaan iska caabinta ka dhanka ah codsigooda, ayada oo ay qasab tahay in dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah NATO ay ogolaadaan.

Turkey ayaa maalmihii dhowaa muujisay sida ay uga soo horjeedo xubinnimada Sweden iyo Finland, ayada oo sheegtay in labadan dal ay gabbaad siiyaan shakhsiyaad xiriir la leh urur argagixiso, ayna sidoo kale cunaqabateyn hub saareen Ankara kadib duulaankii ay ku qaaday Syria 2019.

Stoltenberg ayaa maanta sheegay inuu rumeysan yahay in arrimahan la xalin karo.

“Waxaa naga go’an inaan ka shaqeyno dhammaan arrimahan oo aan gaarno go’aan deg deg ah,” ayuu yiri Stoltenberg.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay xubnaha NATO inay ixtiraamaan walaacyada Ankara ay ka qabto labadan dal, wuxuuna ku hanjabay inay xanibi doonaan codsiga xubunnimadooda, haddii aanay fulin dalabyadooda.

Ankara ayaa dooneyso in Sweden ay soo masaafuriso xubnaha ka tirsan kooxda PKK ee dalkaas ka dagaalanta oo ay u aqoonsan tahay urur argagixiso.

REUTERS

Xigasho: VOA Somali

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Xamza oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan

March 27, 2023
Wararka Maanta

Forgotten displaced families in Middle Shabelle say they can’t get enough food

March 27, 2023
Wararka Maanta

Hormuud Salaam Foundation oo Gargaar Gaarsiisey Xabsiga Dhexe iyo Naafada Milatariga

March 27, 2023
Wararka Maanta

Heavy flood kills seven in drought ravaged Dawa zone, Somali region, displace IDPs reeling from drought

March 27, 2023
Wararka Maanta

Waa sidee xaaladda Laascaanood maanta?

March 27, 2023
Wararka Maanta

Ciidanka NISA iyo kuwa Booliska oo howlgal culus ka sameeyay Wadajir

March 27, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Axad, Mar 26, 2023-Somaliland oo sheegtay in ay Laascaanood ku qaadayso dagaal

    76 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Ciidanka Dowladda oo Howlgallo Ka Bilaabay Shabeellaha Dhexe

    75 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxyo Daacish la beegsatay Al-Shabaab – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Faysal Cali Waraabe oo caddeeyey mowqifkiisa qorshaha cusub ee dagaalka Laascaanood

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Toogasho ka dhacday goob uu madaxweyne Xasan kaga sugnaa degmada Aadan Yabaal

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Vinicius Jr Oo Real Madrid Ka Diiday Dalab Ay U Soo Bandhigtay, Ma Ahan Heshiis Cusub.

March 27, 2023

Suudaanta oo ka daalay isbadal cusub oo rayid ah oo ay hogaaminayaan Burhaan iyo Hemeti

March 27, 2023

Xamza oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan

March 27, 2023

Nabadoon maanta lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

March 27, 2023

Forgotten displaced families in Middle Shabelle say they can’t get enough food

March 27, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Hormuud Salaam Foundation oo Gargaar Gaarsiisey Xabsiga Dhexe iyo Naafada Milatariga

March 27, 2023

Heavy flood kills seven in drought ravaged Dawa zone, Somali region, displace IDPs reeling from drought

March 27, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Waa sidee xaaladda Laascaanood maanta?

March 27, 2023

Anceltti Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Real Madrid & Xiisaha Xulka Brazil

March 27, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.