
Iyada oo dhawaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna ayaa waxaa loo saaray Guddi qiimeyn ku sameeya khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la baaro khasaaraha dhimasho & midka dhaawac iyo midka hanyiyadeed ee ka dhashay dagaalka, isaga oo u saaray Guddi ka kooban 9 Xubnood oo laga soo kala xulay Maamulka degmada iyo Ururada Bulshada rayidka, waxaana ay kala yihiin.
1: Cabdixakiin Cabdullaahi Warsame.
2: Axmed Salaad Kulmiye
3: Sheekh Maxamuud Axmed Cali.
4: Ubax Xasan Ugaas (Heegan).
5: Bashiir Maxamed Salaad (Sanka).
6: Cali Mahad Cabdi Macali
7: Dahabo Aadan Maxamuud.
8: Aamino Tahliil Warsame
9: Biriyo Cali Xersi.
Xubnaha Guddigan ayaa Guddoomiyaha Magaalada Dhuusaamareeb wuxuu sheegay in laga sugayo qiimeyn iyo tirakoob sax ah inay kusoo sameeyaan khasaaraha uu geystay dagaalkii Dhuusamareeb.

________________________________________________________________________________________
Xigasho: Qaranimo