Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga isku Dhafka labada Aqal ee Baarlamaanka JF Soomaaliya ayaa ugu baaqay musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha in ay u soo gudbiyaan Musharax kasta, halka qof ee codadka u tirinaya doorashada berri ka dhici doonto teendhada Afisiyooni.
Sidaan ayuu u qornaa Baaqa Guddiga:
Dhammaan Musharraxiinta Madaxwaynaha JFS waxaa laga codsanayaa in ay ka soo jawaabaan codsiga Guddiga Doorashada Madaxwaynaha oo ah in Musharrax kasta Guddiga u soo gudbiyo xubinta u tirinaysa codadka.
Musharraxii ku soo gudbin waaya waqtiga loo qabtay uma suurta gali doonto in uu hoolka doorashada soo galo qofka la socda.
FG: Waqtiga kamadanbaysta ah ee soo gudbinta magacyada waa 12:30am (duhurnimo) ee maanta.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Xigasho: HalQaran