Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha gobalka Axmed Bulle Gared uu dhaawac culus kasoo gaaray weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Baardheere.
Weerarka oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday guriga martida ee degmada Baardheere, xilli ay ku sugnaayeen Guddoomiye Bulle iyo masuuliyiin kale.
Khasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerarka, iyadoo ay socdaan gurmadyo loo fidinayo dadka ku jira guriga.
Horey, Waxaa loo khaarajiyay Taliyayaashii Ciidamada Sirdoonka iyo Xoogga dalka ee gobalka Gedo, xilli loogu xiray qaraxyo gaariyaashooda.
Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha kala soco Puntlandtimes.
Xigasho: Puntland Times