Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray hadal-jeedintii musharraxiinta u tartameeysa xilka madaxweynaha JFS.
Hoolka Teendhada Afasiyooni oo ay soo xaadireen xildhibaanada labada Aqal BJFS oo labadii maalin ee u dambeeyey ka socdeen hadaljeentii musharraxiinta madaxweynaha ayaa maanta la soo gebagabeeyay.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalinta sabtida kulan la isku yimaado si looga hadlo dadejinta doorashada madaxweynaha.
—–Dhammaad—-
Xigasho: Halgan