Gedo:-Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamanka DFS ayaa go’aan rasmi ah kasoo saaray xildhibaanada muranka uu ka taagnaa ee gobolka Gedo, waxayna si rasmi ah u sharciyeeyeen xildhibaanada lagu soo doortay Degmada Ceel-Waaq inay yihiin kuwa sharciga ah ee matalaya gobolka Gedo.
Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamanka DFS ayaa sheegay inuu go’aankan saldhiga uga dhigeen sharciyeenta Xildhibaanada Ceelwaaq Habraca Doornshadooda mariyeen Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee Heer Federaal iyo heer dowlad gobolleed islamaekaana ay doorshadooda qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.
Hoos Ka Akhriso Warmurtiyeed ay golaha Shacabka ka soo saareen Xildhibaanada Gobolka Gedo kuna sharciyeeyeen Xildhibaanada Ceel Waaq.
A/cawaale
Halgan.net
Xigasho: Halgan