Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee xalay ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday.
Madaxweyne QoorQoor ayaa u rajeeyay madaxweynaha JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud, in uu Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho taas oo soo af jartay marxaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray.
Sidoo kale, waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.
Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuuna Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub ee Dalka in Masuuliyada culus ee loo doortay uu Alle u fududeeyo.
Madaxweynaha Dowladda goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo loo doortay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.
“Waxaan u hambalyeeynaya Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waa masuul hore u soo shaqeeyay wuxuuna ku yimi isbedel dalka ka dhacay. Waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo Xilka loo doortay.
Waxaan u mahadcelinaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS intii codka isiisay iyo intaan isiin, Guddoonka Golaha Shacabka, Guddiga Doorashadda Madaxweynaha JFS, Labada heer ee Guddiyadii Doorashada Xildhibaanada kasoo shaqeeyay, Ciidamada Amniga sugayey iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dadaal ku bixiyey in dalka Doorasho ka dhacdo.
Doorashada Madaxweynaha JFS in ay inoo qabsoomto, howl badan iyo shaqo badan ayaa laga soo maray, ilaahay ayaa mahadleh si wanaagsan oo nabad ah Illaahay dhameeyay, waynu wada guuleysanay isbedelka dhacayna waxaan rajeynaya in uu dalkeena u jiheeyo dhinaca wanaagsan.
Madaxweyne Deni ayaa lafdhabar u noqday Isbedelka dalka ka dhacay, wuxuuna u rajeeyay mid Soomaaliya ku jiheeya nabad, barwaaqo iyo horumar wanaagsan.
Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhamaaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Cusub ee DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
“Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub inuu u fududeeyo shaqooyinka horyaala isla markana uu la garab galo masuuliyada Cusub ee loo doortay.
Waxa uu u mahad celiyay Xildhibaannada Baarlamaanka ee muujiyay dhabar adayga iyagoo saacado badan u fadhiyay sidii ay u dooran lahayeen Madaxweynaha Cusub ee DF Soomaaliya”.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hambalyo u diray Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Xilka Madaxweynaha JF Soomaaliya.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo caawa ku guulaystay Tartanka Madaxweynanimo ee Dalka, waxaan Rabi uga barinayaa inuu xilka la garab galo kuna asturo.
Laftagareen ayaa ku ammaanay labada aqal ee Baarlamaanka cusub iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dulqaadka ay ku wajaheen hannaanka doorashooyinka dalka oo soo maray marxalado kala duwan, isaga oo ku bogaadiyey laamaha ammaanka Soomaaliyeed sida ay habeen iyo maalinba ugu taagnaayeen xaqiijinta amniga doorashooyinka.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Laftagareen ayaa Alle uga rajeeyey Madaxweyne Xasan Shekh in uu waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com
Xigasho: HalQaran