Sept. 22 (Jowhar.com)-Imaaraadka Carabta ayaa Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya. Safiirka cusub Amb Ahmad Juma Al Rumaithi ayaa bedeli doona Safiirkii hore Maxamed Al Cuthmaan.
Safiirka cusub Al Rumaithi oo la filayo inuu dhowaan soo gaaro magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, si uu noqdo safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsanaan doono arrimaha dalka Soomaaliya.
Al Cuthmaan ayaa muddo 8 sano ahaa Safiirka UAE ee Soomaaliya, iyadoo muddadii uu joogay xumaaday xiriirka labada dal, waxaa lagu xusuustaa inuu si weyn ugu lug lahaa waxyaabo aanay shaqadiisa aheyn iyo arrimaha siyaasadda gudaha ee dalka.
Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed oo sida u dhow u taageero Soomaaliya, waxaase uu xiriirka hoos u dhacay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay dowladdii Farmaajo iyo iyaga, balse xiriirkii xumaaday ayaa markale haatan dib u soo hagaagay, kadib markii uu talada waddanka dib ula wareegay madaxweyne Xasan Sheekh
Xigasho: Jowhar