Puntlandtimes (Muqdiaho) Maanta oo ay taariikhda tahay 27ka Bisha shanaad ee May sanadka 2023 waxaa guud ahaan gobollada dalka dalka ka bilaabanaya Imyixaanaadja Shahaadiga ee dugaiyada dhexe iyo kuwa sare.
Imtixaanaadkaan waa kuwo ay diyaarisay wasaaradda waxbarasbada dowladda Somalia waxaana lagu galayaa goobo kala duwan.
34kun oo arday Somaliyeed ah ayaa u fariisanaysa imtixaanka Kuwaas oo kala ah fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada 12aad ee dugsiyada sare.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee somalia ayaa u qorsheysay imtixaanka Qaranka ee Sanad Dugsiyeedka 2022/2023 in lagu qaado 114 xarumood oo ku kala yaalla Caasimadda iyo Gobollada kale ee Dalka.
Xarumahaas 62 kamid ah waxay ku yaalaan Gobolka Banaadir halka 52 xarun oo kalena ay ku yaalaan Gobollada kale ee dalka.
Waqti isku mid ah ayuu imtixaanka guud ahaan dalka uga bilaabanayaan matka laga reebo gobollada Puntland iyo Somaliland oo jadwalka intixaanaadkooda iyaga gaar uu u yahay.
Puntlandtimes waxay dhamaan ardayda Somaliyeed u rajaynaysaa guul iyo Barwaaqo.
Xigasho: Puntland Times