Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

IRAN oo sii deynaysa 22 kun oo maxaabiis ah kadib cafis u fidiyay Ayatollah Ali Khamenei

March 14, 2023
gudaha Wararka Maanta
57 5
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

Tehran (Allbanaadir Media) – Iran ayaa Isniintii ku dhawaaqday in hoggaamiyaha sare ee dalkaasi uu cafis u fidiyey in ka badan 22,000 oo qof oo loo xidhay mudaharaadadii dawladda looga soo horjeeday ee dalkaas ka dhacay, hase ahaatee ma jiro cid si rasmi ah u xagiijin karta warka sii daynta ee ka soo baxay xukuumadda dalkaas.

Bayaan ka soo baxay madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa markii ugu horraysay si weyn loogaga hadlay baaxadda ay le’eg tahay hawlgallada ay dawladda ee ka dhanka ahaa mudaharaadayaasha ka soo horjeeday xukuumadda, kuwaas oo soo bilaabmay, kadib geeridii Mahsa Amini oo 22 jir ahayd.

Waxaa illaa haatan dalkaas ka jirta cadhada ka dhalatay geerida gabadhaas yar iyo weliba habka ay laamaha ammaanka ee dalkaasi ula macaamileen, mudaharaadada, arrintaas ayaa taabatay guud ahaan, xasiloonida dalka iyo dhaqaalahaba.

Wakaaladda wararka ee dalka Iran ayaa ka soo xigatay madaxa garsoorka ee dalkaas inuu hore u sheegay in hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei inuu cafis u fidin doono qaar badan oo ka mida maxaabiista la qab-qabtay intii ay socdeen mudaharaadadu.

Waxay intaas sii raacisay “in lagu soo beegayo bisha barakaysan ee Ramadaanta, taasi oo bilaabanaysa dhammaadka toddobaadka soo socda.”

Madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa sheegay in illaa 82,656 oo qof in la xabsiga la dhigay, halkaas oo qaar ka mida haatan cafis loo fidiyey. 22,628 ka mida maxaabiistaas ee la cafiyey ayaa iyaga la xidhay iyaga oo ka qaybgelaya mudaharaadada.

Wuxuu sheegay in tirada la cafiyey ay ahaayeen, maxaabiis aan ku kicin tuuganimo ama falal qalalaase ah.



Xigasho: Allbanaadir Media

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Isniin, Mar 27, 2023-Guddigii Isimada ahaa ee Muqdisho ka yimid oo maanta tagay magaalada Laascaanood si ay xaaladda u qiimeeyaan

March 27, 2023
Wararka Maanta

‘Ma baadhayno qaraxyadii dhuumaha shidaalka ee Nord Stream’

March 27, 2023
Wararka Maanta

Haweeney weerartay Dugsi ku yaal Maraykanka oo ku dishey Lix ruux oo ay carruur ku jirto

March 27, 2023
Wararka Maanta

Isniin, Mar 27, 2023-Ciidamada Fedaralka ee Itoobiya oo rasaas ku furay dad shacab ahaa oo isu soobax ka samaynayay dowlad degaanka Soomaalida

March 27, 2023
Wararka Maanta

Qubanaha VOA, Mar 27, 2023.

March 27, 2023
Wararka Maanta

Gaadiidka Guurguura ee Caafimaadka Haweenka oo lagu wareejiyay Wasaarada Caafimaadka

March 27, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Axad, Mar 26, 2023-Somaliland oo sheegtay in ay Laascaanood ku qaadayso dagaal

    76 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Ciidanka Dowladda oo Howlgallo Ka Bilaabay Shabeellaha Dhexe

    75 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxyo Daacish la beegsatay Al-Shabaab – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Faysal Cali Waraabe oo caddeeyey mowqifkiisa qorshaha cusub ee dagaalka Laascaanood

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Mudug region leads in voter registration for Puntland’s historic elections

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Isniin, Mar 27, 2023-Guddigii Isimada ahaa ee Muqdisho ka yimid oo maanta tagay magaalada Laascaanood si ay xaaladda u qiimeeyaan

March 27, 2023

‘Ma baadhayno qaraxyadii dhuumaha shidaalka ee Nord Stream’

March 27, 2023

DF oo ka hadashay halka uu marayo qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

March 27, 2023

Haweeney weerartay Dugsi ku yaal Maraykanka oo ku dishey Lix ruux oo ay carruur ku jirto

March 27, 2023

Isniin, Mar 27, 2023-Ciidamada Fedaralka ee Itoobiya oo rasaas ku furay dad shacab ahaa oo isu soobax ka samaynayay dowlad degaanka Soomaalida

March 27, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Qubanaha VOA, Mar 27, 2023.

March 27, 2023

Saraakiil Mareykan ah oo gaaray degmada Maxaas & Xog ku aadan ujeedkooda (Sawirro)

March 27, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Gaadiidka Guurguura ee Caafimaadka Haweenka oo lagu wareejiyay Wasaarada Caafimaadka

March 27, 2023

Isniin, Mar 27, 2023-Dowladda oo soo bandhigtay xubin ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay

March 27, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.