Wasiirka Gaashaandhiga dalka Jabuuti Xasan Maxamed Cumar oo ay socdaalkiisa ku wehlinayeen xubno ka tirsan saraakiisha ciidanka dalka Jabuuti ayaa dhankiisa balan qaaday in dowladda Jabuuti ay garab istaag buuxa diyaar ula tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
Wasiir Xasan Maxamed ayaa sidoo kale xusay in dowladda Jabuuti ay ka go’an tahay fulinta balan qaadyadii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu u sameeyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya dhamaadkii bishii December sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-kii isagoo ku sugna magaalada Muqdisho.
Dowladda Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka ay Soomaaliya ay ka joogaan ciidamada ku howlgalada magaca howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ka howlgala magaalooyin ka tirsan gobolka Hiiraan.
Xigasho: Hiiraan