“Nimankaas waa la iska dhicin karaa, si baa la yeeli karaa iyo mishkiladdooda waala xalin karaa xitaa caalamka kuma qanacsaneen laakiin maanta waa lagu wada qancay alle mahadi, guulo ayaa la gaaray welina way noo dhiman yihiin, waxa ay guushu dhadhan la leedahay waa Soomaali keligeed ayay gaartay, Walalaha ama dadka saaxiibada ah ee Afrika & caalamka kale ka socda wax badan ayay soo qabteen balse howshaan inaga ayaa u xeed xeedanay, Wiilasheena, Gabdhaheena, Culimadeena, Odoyaasheena nabadoonnada ah iyo dhamaan bulshadeena ayaa u istaagay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed dhiiranaantooda ay horseeday in Al-shabaab laga qabsado inta badan deegaanadii ay ka talin jireen ee gobolada dalka, isagoona ku baaqay in la kordhiyo shirarka la isugu keenayo bulshada qeybaheeda kala duwan si la isaga kaashado horumarka dalka.
“Waan tabar yar nahay laakiin ma ahan waxa aad heysato balse waa qalbiga, haddii aadan qalbiga ka tabar yareyn cid kaa xoog badan ma jirto, haddii qalbiga ka liidatid wax weliba heyso awood ma lihid” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan ka jeediyay Xalay casha sharaf uu u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee shalay galinkii dambe Muqdisho ugu soo gabagaboobay shirweyne halkaasi ay ku lahayeen sadax maalmood ee lasoo dhaafay.
Xigasho: Hiiraan