Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Jimco, Jan 27, 2023-Shirka isimada dhaqanka Laascaanood oo dhawaan furmaya

January 27, 2023
gudaha Wararka Maanta
61 1
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram
Jimco, January, 27, 2023 (HOL) –  Dhamaan isimada dhaqanka gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, ayaa ku sugan magaalada Laascaanood, iyadoo uu dhawaan furmi doono shir ay odayaasha deegaanadani kaga tashanayaan masiir kooda siyaasadeed.Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo kamid ah isimada dhawaan shirku uga furmi doono magaalada Laascaanood, ayaa VOA Somali, u sheegay in shirku uu dhawaan furmi doono, isla markaana uu rajaynayo in uu jawi wanaagsan kusoo dhamaado.

“Jawigu waa fiicanyahay waana laysku wada yimid, isimadu waxay ku suganyihiin magaalada Laascaanood, halka waxii ka danbeeya waxa loo gudbayaa in uu shirku furmo, waxaananu rajaynaynaa in uu wax wanaagsan noogu dhamaado” ayuu yidhi Garaad Xasan.

Garaadka ayaa sheegay in shirka dhaqanka oo dhawaan dhici doonaa uu ka qabsoomayo guriga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo isagu gogosha dhigay, waxaanu sheegay in nabadgalyada shirka aad loo adkeeyay, lakiinajendaha shirka aan wali la dajin.

Hadaba madaxda xukuumada Somaliland iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirsaaq Khaliif Axmed ayaa iyaguna magaalada dhinac ka dagan, waxayna kala dagan yihiin hoteelada Casuura iyo Xamdi, madaxdan ayaa ka raja qabay in ay heshiis la gaadhaan odayaasha dhaqanka, taasi oo aan wali suuragalin.

Lama hubo waxa ka soo bixi doona shirka dhaqanka lakiin badanka madax dhaqameedka shirka kasoo qaybgalay ayaa aad uga soo horjeeda joogitaanka Somaliland ee gobolka, iyaga oo doonaya in ay dhidibada u taagaan maamul dadka deegaanku u madaxbanaan yihiin.

Halgano kala danbeeyay oo qaybo kamid ah bulshada deegaanku ku doonayeen in ay ku dhistaan maamul u gaara ayaan guulaysan, iyadoo xukuumada Somaliland iyo maamulka Puntland anuu midna ogolayn dhismaha maamulkan, sidookalena dowlada Soomaaliya ayaa ka gaabsatay, in ay taageerto dhismihiisa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]



Xigasho: Hiiraan

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

Somali refugee girls in Dadaab forced to leave school for early marriages

April 1, 2023
Wararka Maanta

Khamiis, Mar 30, 2023-Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

April 1, 2023
Wararka Maanta

Xasan Sheekh oo Galmudug ku wajahan iyo qorshaha safarka oo la shaaciyey

April 1, 2023
Wararka Maanta

Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

April 1, 2023
Wararka Maanta

Jimco, Mar 31, 2023-Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

April 1, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Dagaalo mar kale saaka ka dhacay duleedka Laascaanood & Wararkii u dambeeyey

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • DAAWO Fadeexad Culus Fadaro Family oo Dharka Dhigtay Muuqaal Galmo ah iska Soo Duubeen Daawo

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Somaliland oo iska fogeysay faddeexad ka dhalatay mashruucii Imaaraadka ee Berbera

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Bangiga Adduunka oo war farxad leh kasoo saaray deyn cafinta Soomaaliya

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Kenya police, crowds clash in third wave of price rise protests

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

Somali refugee girls in Dadaab forced to leave school for early marriages

April 1, 2023

Khamiis, Mar 30, 2023-Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya

April 1, 2023

Reds Oo Halis Ugu Jirta In Ay Dhigto Rikoodh Xun Oo Ay Ugu Dambaysay 14 Sano.

April 1, 2023

Xasan Sheekh oo Galmudug ku wajahan iyo qorshaha safarka oo la shaaciyey

April 1, 2023

Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada

April 1, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Blues Oo Doonaysa In Ay Sii Wataan Guulaha Xidhiidhka Ah.

April 1, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

April 1, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Leeds.

April 1, 2023

Jimco, Mar 31, 2023-Haweenay geeriyootay kadib markii uu qaaday Dooxa Hargaysa

April 1, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.