Golaha Wasiiradda ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen dagaalka looga sifeynayo dalka kooxda Al-shabaab iyo hirgelinta qaraarkii Golaha ee la xariiray nidaaminta Bajaajyada ka shaqeeya gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo maanta dhaqan galay.
Shirka Golaha Wasiiradda ayaa maanta si weyn looga hadlay xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay Fatahaada wabiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Hiiraan oo saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanada uu wabigu ka sameeyay Fatahaada ee ku yaala gobolka Hiiraan, waxaana golaha warbixin la xariirtay xaaladaha Fatahaada usoo bandhigtay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda.
Gabagabadii Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dalka ka dhageystay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 12-aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023, oo ay dowladu ka qaado sanad walba xiligaan oo kale guud ahaan dalka marka laga reebo Somaliland iyo puntland oo deegaanadooda si gaar ah uga qaada Imtixaanka dugsiyada sare ee deegaanadaas ku yaala.
Xigasho: Hiiraan