Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay isku xiran yihiin, dagaaladii horey uga dhacay gobalada Waqooyi, isagoo sheegay in ay dagaaladaas hore ee Kacaanka ahaayeen, kuwa ay Puntland soo agaasintay.
Muuse Biixi oo ka hadlayay munaasabadda xuska 18-May, ayaa sheegay in Reer Puntland ay ahaayeen dadkii duqeeyey Hargeysa, haddana ay Laascaanood ka wadaan dagaalka.
“Dagaalka Laascaanood marna joogsan maayo, inta Taako kamid ah dhulka Somaliland ay cadow kusugan yihiin ama xaduudaheeda laga joogo, ragga hadlayow dagaalkan waa soconayaa waqtigii uu doono ha socdo” Muuse Biixi.
Mr. Biixi ayaa xusay in Sadex nin ee duqeymahaas diiday, maahane intii kale ay dhammaantood Garoowe joogeen oo ay doonayaan in ay Somaliland dumiyaan.
“Morgan, ayaad keenteen Laascaanood mar kale, 1988-dii baan is helnay waana ceyrsanay, haddana waan joognaa adiga iyo awoowgaaba waan idin edbinaynaa”ayuu yiri Muuse Biixi.
Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xilli dagaal culus uu saaka dib uga bilowday duleedka Laascaanood, oo muddo bilooyin ah ay ku dagaalamayaan ciidamada Taliska Biixi iyo dadka deegaanka, oo diidan in maamulkaas kusii nagaado deegaankooda.
Xigasho: Puntland Times