Madaxweynaha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa dhambaal hambalyo ah u soo diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta WAM.
Sheikh Mohammed bin Zayed ayaa u rajeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu u fududeeyo masuuliyada loo doortay.
Sidoo kale, Madaxweyne kuxigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum ayaa hambalyo u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo noqday Madaxweynihii 8-aad ee JFS ayaa axadii mar kale loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda, waxaana uu xilka kala wareegi doonaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo horey uu ugu wareejiyay sanadkii 2017kii, kaddib markii uu uga adkaaday doorashadii xilligaas dhacday.
Xigasho: Puntland Times