May 16 (Jowhar.com)- Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoygiisa kula kulmay taliyayaasha ciidanka Booliska iyo Milatariga Soomaaliya.
Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar iyo Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Xasan Sheekh warbixin ka siiyay amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka, iyadoo sidoo kale la iska wareystay sidii ciidanka loo mideyn lahaa oo aanu saameyn khilaafaadkii jiray sanadihii la soo dhaafay.
“Waxaan kulan la qaatay taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed. Waxaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka. Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda” ayuu yiri Xasan Sheekh oo faah faahiyay kulankan.
Madaxweynaha dooran ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay xilka loo dhaariyay ayaa manata kulamo kala duwan la qaatay safiiro,madaxda maamulada qaar,siyaasiyiin iyo gudoomiyaha golaha shacabka, iyadoo dhamaan kulamadan diirada lagu saaray sidii looga gudbi lahaa xiligan kala guurka ah.
Xigasho: Jowhar