Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada kulan Kula qaatay Saraakiisha Ciidanka kala duwan ee Dowladda Puntland, sida Daraawiishta , Booliska , Asluubta iyo Nabad sugida.
Kulanka ayaa ku saabsana dardargelinta Amniga Guud ee Puntland, Iyadoo Madaxweynuhu uu warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidanka, waxaa Madaxweynaha Kulanka ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Xigasho: Halgan