Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Isdiiwaangeli
Breaking News Somalia
  • Bogga hore
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
Breaking News Somalia
Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha
Guriga Wararka Maanta

Madaxweynaha la doortay oo jeediyey khudbad uu kaga hadlay arimo kala duwan

May 16, 2022
gudaha Wararka Maanta
59 3
A A
0
74
WADAAG
1.2k
ARAGTIDA
FacebookTwitterTelegram

MUQDISHO – Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu doortay Xasan Sh. Maxamuud inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, ka dib markii uu si weyn uga guulaystay madaxweynaha haatan xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wareega saddexaad oo ay labada madaxweyne ku tartameen, ayaa Xasan Sh. Maxamuud wuxuu helay 214 cod oo ka mida 327-ka mudane ee codkooda dhiibtay, halka madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod, waxaana shirguddoonku ay sheegeen in saddex cod ay khasaareen.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyey madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sh. Maxamuud.

Madaxweynaha laga guulaystay ee haatan xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha la doortay isaga oo u ballan-qaaday inuu la shaqaynayo madaxweynaha la doortay.

“Waxaa halkan ku soo gebagebowday, doorashadii soo socotay in muddo ah, waxaan rabaa inaan halkan ku soo dhoweeyo walaalkay, madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh oo aan leeyahay hambalyo, ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuu u sahlo hawshan dhibta badan, hawl aad iyo aad u adag weeye, wax sahlanna maaha, kuligeen aan ilaahay u barino, in ilaahay hawshan u fududeeyo, annagana waxaan u muujinaynaa wada shaqayn, madaxweyne soo dhowow” sidaasi waxaa yidhi Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad jeediyey markii doorashadu soo dhamaatay.

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u mahadceliyey madaxweynaha xilka ka degaya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisal wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo guddidii doorashada ee doorka weyn ka ciyaartay in doorashadu ay qabsoonto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyey madaxweynaha xilka ka degaya, isagoo sheegay in dalku u baahan yahay in hore loo socdo.

“Madaxweynuhuna [Madaxweyne Farmaajo] wuu ku mahadsan yahay inuu isaguna maanta I garab taagan yahay, sidii aan marar farabadan ku celiyey, dalkeenu wuxuu u baahan yahay inaynu hore u socono, inaan dib u noqono uma baahna, gocasho uma baahna, waxaan u baahanahay wixii jira ee tabasho ah, inkasta ha le’ekaadeene inaan daawayno” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasibaddii gunaanadka doorashada.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa intaas ku daray, in aanay jiri doonin aargoosi siyaasadeed. Madaxweynaha ayaa sheegay inay jiraan xasuuso adag iyo dhibaatooyin la soo maray oo aan la hilmaami Karin, hase ahaatee wuxuu soo jeediyey in la iscafiyo.

“Sidii aan habeen dhowayd ka dhawaajiyey, markii aan iclaaminayey musharaxnimadayda, iska aarsi ma jiro, [in la iska aarsado], is-daba-gal siyaasadeed ma jiro, dalkani qawaaniin ku filan ayuu leeyahay, haddii wax isbedello ah iyo wax lagu kala aragti duwan yahay ay yimaadaan, qawaaniinta ayaan la tiigsan doonnaa ilaahay idamkii, ee qof waliba sida la qumman ma yeelayo” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Dadka Soomaaliyeed, dhibaatooyinkii muddada dheer soo gaadhay, ee illaa iyo maanta wixii ka horreeyey oo dhan waxaan leeyahay, walaalayaal xanuunka murugada xasuusta leh lama illoobi karo, laakiin waa la cafin karaa ee aan is cafinno. Qalbigeenna aan hagaajinno, aan ka fikirno berri, yaynaan ku mashquulin shalay, iyo wixii soo dhacay haddii alle yidhaadho.” Ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Xigasho: VOA Somali

La wadaag30Tweet19La wadaagDirLa wadaag5

Related Posts

Wararka Maanta

ATMIS Police Commissioner visits Jazeera basecamp to assess officers’ welfare

March 27, 2023
Wararka Maanta

43 Al-Shabaab Members Killed in Somalia

March 27, 2023
Wararka Maanta

Maamulka Mudug ee Puntland oo ku dhowaaqay tallaabooyin amni

March 27, 2023
Wararka Maanta

Xamza oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan

March 27, 2023
Wararka Maanta

Forgotten displaced families in Middle Shabelle say they can’t get enough food

March 27, 2023
Wararka Maanta

Hormuud Salaam Foundation oo Gargaar Gaarsiisey Xabsiga Dhexe iyo Naafada Milatariga

March 27, 2023
Kaga tag Faallada

Popular Post

  • Axad, Mar 26, 2023-Somaliland oo sheegtay in ay Laascaanood ku qaadayso dagaal

    76 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Ciidanka Dowladda oo Howlgallo Ka Bilaabay Shabeellaha Dhexe

    75 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxyo Daacish la beegsatay Al-Shabaab – Puntland Times

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Mudug region leads in voter registration for Puntland’s historic elections

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19
  • Faysal Cali Waraabe oo caddeeyey mowqifkiisa qorshaha cusub ee dagaalka Laascaanood

    74 saamiyo
    La wadaag 30 Tweet 19

Wararkii Ugu Danbeeyay

(Sawirro) Nin nolosha ku gubay gabar xiriir Jaceyl u jartay iyo caro ka dhalatay

March 27, 2023

ATMIS Police Commissioner visits Jazeera basecamp to assess officers’ welfare

March 27, 2023

43 Al-Shabaab Members Killed in Somalia

March 27, 2023

Maamulka Mudug ee Puntland oo ku dhowaaqay tallaabooyin amni

March 27, 2023

Vinicius Jr Oo Real Madrid Ka Diiday Dalab Ay U Soo Bandhigtay, Ma Ahan Heshiis Cusub.

March 27, 2023
Breaking News Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, wararka Afrika, iyo wararka caalamka ee Soomaaliga iyo English-ka kala soco wixii kusoo kordha.

Categories

  • Afrika News
  • Ciyaaraha
  • News in English
  • Wararka Caalamka
  • Wararka Gudaha
  • Wararka Maanta

Wararkii U Danbeeyay

Suudaanta oo ka daalay isbadal cusub oo rayid ah oo ay hogaaminayaan Burhaan iyo Hemeti

March 27, 2023

Xamza oo Muqdisho ka dhagax dhigay warshad ay ku baxeyso $37 milyan

March 27, 2023

Doorashada Tifaftiraha

Nabadoon maanta lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

March 27, 2023

Forgotten displaced families in Middle Shabelle say they can’t get enough food

March 27, 2023
  • About Us
  • Privacy
  • Contact Us

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Natiijo malahan
Daawo Dhammaan Natiijooyinka
  • Wararka Maanta
  • Wararka Gudaha
  • Afrika News
  • Wararka Caalamka
  • News in English
  • Ciyaaraha

© 2022 BN Somalia - Waxaa sameeyay BNSomalia.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.