Wuxuu sheegay madasha siyaasada Puntland in ay horey uga dhigtay cawaaqib xumada ka dhalan karta in madaxweyne Deni uusan dhegaysan talada dadka. Wuxuu sheegay eedayntii loo jeediyay nadaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud in ay tahay mid aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in madaxweyne Deni uu masuul ka yahay dhibaatada ka dhacday Garowe.
Cawad wuxuu dhinaca kale dhaliilay in xalka xabbad lagu raadiyo oo Puntland loo horseedo colaad dhiig ku daato, sida arrintii shalay ka dhacay magaalada Garowe. Taasoo ciidamo malayshiyaad ah ay weerareen ciidamo maamulka katirsan oo ka shaqeynayay doorashada.
Xigasho: Hiiraan