Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud ayaa kulan la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Edward André.
Danjire André ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud guusha uu ka gaaray doorashada xalay dhacday.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Safiirka Mareykanka ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya iyo geeddi-socodka nabadda, Horumarinta iyo xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Xigasho: Puntland Times